WAJAALE NEWS

Ku Dhawaaqida Maalinta Doorashadda Iyo Wel-welka Khilaafka KULMIYE Ee Ku Dhaca Madaxweyne Siilaanyo.

Hargeysa(Wajaalenews) -Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Shalay soo saaray digreeto ku dhaqan-gelinayo waqtiga iyo Maalinta Guddida Doorashooyinka Qaranku u asteeyeen inay dalka ka qabsoomi doonaan Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Golaha Wakiiladda, kuna beegan 28/03/2017.

Qaraarka dhaqan-gelinta Maalinta Doorashada oo sida lagu sheegay Warsaxaafadeed kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda, waxa Madaxweynuhu dhaqan-gelinta arrinta uu Cuskaday qodobo ka mid ah Dastoorka iyo Shuruucda dalka Jamhuuriyadda Somaliland, oo iyagu uu xalaaleynaya ama uu fasaxaya Madaxweynaha talaabada kur ku xusan. Sidoo kale, talaabadan ayaa ah mid soo afjari doonta muranka iyo tuhunkii Asxaabta Mucaaridku iyo Siyaasiyiinta Isbedel doonka ah ka qabeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumadiisa, lana xidhiidhay qabsoomida Doorashooyin xor oo xalaal ah, oo dalka ka dhaca inta Xukuumadda KULMIYE talada dalka gacanta ku hayso.

Waxa kaloo, arrintani wa-xoogaa yididiilo ah u noqon doontaa dawladaha aynu Jaalka nahay iyo kuwa inaga kaba arrimaha ku saabsan geedi-socodka Dimuquraadiyadda, kuwaasoo sida dadka Siyaasadda ka faallooda ku doodan mudooyinkan danbe ku dhaka-faaray balamo tiro badan oo Madaxweynaha iyo xubnaha fir-fircoon ee Golihiisu u sheegeen, hase-yeeshe markii danbe aan waxba ka suuro gelin.

Geesta kale, marka arrimahaa laga yimaado, waxa iyana isweydiin mudan Madaxweyne Siilaanyo-na looga baahan yahay inuu mudadaa ka-hor, bulshada reer Somaliland iyo taageerayaasha Xisbigiisa intaba u caddeeyo qof Musharaxa ka noqon doonta Xisbiga KULMIYE, oo weliba ka Madaxweyne ahaan uu taageersan yahay, Maadaama loollan iyo khilaaf tiro badan oo arrinta Musharaxa Xisbiga la xidhiidha uu hadheeyey Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye labada-ba, taasoo Masuuliyiinta iyo taageerayaashi Xisbiga ku abuurtay rajo-xumo iyo quus ay u qaaden Xukuumada iyo Xisbiga is barkan.

Inkasto, Madaxweyne Siilaanyo weli uu waqti haysto, Marka loo eego mudada inaga xigta Maalinta qabsoomida Doorashooyinka loo asteeyey, oo dhan 18 Bilood, hadana marka Kefed la saaro loollanka iyo hirdanka xanafta badan ee ka dhexeeya Xubnaha quud-dareynaya inay noqdaan Musharaxa Xisbiga, Kefeda kale-na la saaro mudada inaga xigta waqtiga Doorashada loo asteeyey, waxa Hubaal ah in mushkilada iyo qaska reer KULMIYE uu ka badan yahay mudada kor ku xusen.

Waxa kaloo iyana aan la dafiri karin in Madaxweyne Siilaanyo, uu dhankiisa quud-dareynayo in labada Sanno ee muddo kordhinta ah ugu talo galay inuu ku dhameyso buuq iyo xasarad la’aan, hase-ahaatee sida muuqata waxaad mooda in aanay warba iska hayn Madaxweyne Siilaanyo, Khilaafka KULMIYE iyo waqtigu. Waxa’se Dayaxa iyo Bishuba kala cadaan doonaan maalmaha fooda inagu soo haya marka shirar doceedyada iyo Casuumadaha Baar-qabada Kulmiye soo dhamaadan ee la gaadho halkii Kulmiye ku burburi laha ama Xisbigu kaaga soo kaban lahaa riiqdii iyo dhaawacii iyo sumcad xumida uu gaadhsiiyey khilaafkii la kow-saday dhashadii Xukuumada.

Isku soo wada-duubo, waxa aan shaki ku jirin in guusha iyo guuldarada Xisbiga KULMIYE ku xidhan tahay go’aanka Madaxweyne Siilaanyo, iyo kolba siduu ugu dhiirado inuu Xisbiga Kulmiye iyo taageerashaasi uu cadeeyo qofka uu noqon doono Musharaxa dhabta ah ee Xisbiga Kulmiye, iyo weliba cida ama xubnaha dhaxli doonta Gudoonka Xisbiga, balse hadii taa la waayo oo khuurada hadda jirtaa sii socoto, waxa Hubaal ah inaan Nin-na Luulan doonin Nin-na leefi doonin.

Xigasho: Wargeyska Yool

 

Exit mobile version