WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Ku Biidhikaasey In Ay Kaga Takhalusayaan Wasiirnimada Xirsi Xilkana Laga Qaadayo.

Wajaalenews(Hargeysa)-Sida laga helayo ilo udhow dhow Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye Mujaahid Muuse

Cabdi Tibaaxeen ayaa, badka soo dhigay in uu ka takhalusay xubno uu ku sheegay in ay kamid yihiin kuwa caqabada ku ah musharaxnimadiisa isagoo ku bariistey bushaaro uu gaadhsiiyay, guud ahaanba

taageerayaashiisa iyo Shakhsiyaad badan oo kamid ah dhinacyada

Siyaasada Somaliland kuwaas oo uu ugu bushaareeyay in ay ku

guuleysteen in ay kaga takhalusayaan Wasiirnimada Wasiirka

Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo xilka laga qaadi doono.

 

Fariintan bushaarada ah oo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi

Cabdi, si shakhsi shakhsi ah ugu gudbiyay qaar kamid ah

taageerayaashiisa iyo shakhsiyaad gaar ah ayaa, kusoo beegantey kadib

markii uu Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan uu

shaley ku wargaliyay kulan beeshiisu isugu yimaadeen Caasimada

Hargeysa badheedhaha damaciisa oo uu ku shaaciyay in uu u taagan yahay

Murashax mustaqbalka ku tartami doona Murashaxnimada Xisbiga Kulmiye

dhexdiisa ee jagada Madaxweyne marka la gaadho Shirka Golaha Dhexe ee

Xisbiga Kulmiye ee loogu tartamayo jagadaasi, isagoo ku xudun xidhay

hadii aan Madaxweyne Siilaanyo Murashax noqonin.

 

Sikasta oo ay arintani u muuqato hadana dad badan ayaa, xiligan u arka

in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi wakhti xaadirkan, uu

olole ugu jiro sidii loogaga takhalusi lahaa Wasiirka Madaxtooyada

Xirsi Cali Xaaji Xasan marka loo dhabo galo bushaaradiisa uu saaka ku

waabariistey, ee ah in laga saaro Golaha Xukuumada oo uu awood badan

ku lahaan jirey, inkastoo aan la hubin midkooda xiligan ku awood badan

Qasriga Madaxtooyada.

sikastaba ahaatee warkan ayaan wali si rasmiya uga soo bixin gudoomiye muuse waxaana lasugudoonaa halka ay biyo dhigato hirdan hoose ee xisbiga kulmiye

 

farxaan mahamed sugaal

hargaysa somaliland

Farhan@gmail.com

 

Exit mobile version