WAJAALE NEWS

Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Waji Gabax kala Kulmay Kulamo Uu La Yeeshay Gudiyada Horomarinta Iyo Ganacsatada Degmada Tog Wajaale.

TOGWAJAALE(Wajaalenews) Badhsaabka Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise [Shiine] oo kormeer shaqo ku tagay Dagmada Tog Wajaale Maalintii Shalay ee Taariikhdu ahayd 29/9/2015  waxaanu kulano  la yeeshay Gudiyada Horomarinta iyo Ganacsatada Dagmada Tog Wajaale waxayse Goobjoogayaal u Xaqiijiin in uu Gudoomiye Mustafe [Shiine] kala kulmay Waji gabax aad u wayn iyadoo ay ka diideen Arimihii  uu ula tagay Gudiyadan oo ah Rag waayo araga oo xilkas ah  ayaa u sheegay Badhasaabka Gobolka Gabiley  in  Magaaladani  Xudun u tahay Ganacsiga u kala Gudba Labada Dal ee S/land iyo Itoobiya Hanti aad u Badana ay taalo Muwaadiniita S/land Magaaladuna ay ku taalo Goob Xada oo Amaankeeduna Foojignaan badan u baahan yahay iyagu ka Gudi ahaana ay yihiin Masuuliyiin Ganacsato iyo Waxgarad kaleba leh oo si Tabaruca uga Shaqeeya Adeegyada Danta Guud ee Magaalo Ganacsiga Wajaale u baahan tahay

Diidmada iyo Waji gabaxa uu kala kulmay Badhsaabka Gobolka Gabiley Gudiyada Horomarinta iyo Ganacsatada Magaalada Tog Wajaale ayaa Marag cad looga dhigayaa in aanu Wada shaqayn la lahayn Gudoomiye Mustafe [Shiine] Gudiyada Horomarinta iyo Ganacsatada ee Magaalooyinka Gabiley Tog Wajaale iyo guud ahaan Dagmooyinka hoos yimaada Maamulka Gobolka Gabiley ee Madaxwayne Siiraanyo u soo wakiishay

Mar ay Shabakada Wajaalenews Waraysi kala yeelatay Xubno ka mida Gudiyada Horomarinta iyo Ganacsatda Magaalada Tog Wajaale oo ka Cudur daartay in Magacyadooda la xuso  ayaa noo Xaqiijiyey in Kulanku dhacay doodo adagina dhex mareen Badhasaabka Gobolka Gabiley kana diideen arinkuu kala hadlayay kuna Canaanteen in aanu la socon Xaalada Dhabta ah ee ka jirta Guud ahaan  Magaalooyinka  Gobolka Gabiley ka kooban yahay.

Badhasaab Mustafe Shiine oo ah Nin Dhalinyaro ah Dhawaana ka mid noqday Qurba Jooga ku nool Dalka Ingiriiska  ayaa lagu tilmaamaa Masuul aan Xil iska Saarin Xilka Culus ee Madaxwayne Siiraanyo u magacaabay Waqtiyada Shaqadana ku qaata Huteelada Magaalada iyo Goobaha lagu nasto  Dadka u kuurgala Hab Maamulkiisa ayaa u Arka  in uu Gobolka Gabiley u joogo sidii Dhaqaale uga urusan lahaa iyo in uu  Xil Wasiirnimo uga dalaco Xilka Badhasaabnimo.

Hadaba Waxaa Maalinba Maalinta ka danbeysa  sii kordhaya Cabashooyinka  Bulsho waynta ku dhaqan Gobolka Gabiley  u Gubinayaan Madaxwayne Siiraanyo iyo Wasiirda  ka soo jeeda Deegaanka  Gobolka Gabiley

Gudoomiye Mustafe Shiine ayaa Maamulkiisa lagu Xasuusan doonaa Karti daro Maamul Xumo Masuul aan Curin lahayn iyo Waayo aragnimo la.aan  iyadoo lagu  Xaqiijinayo eedahaa kor ku xusan waa Masuulkii Koowaad ee Dhismihii  Maamulkiisa Xarunta iyo Xafiisyada u ahaa  ku Dul Dumeen Cabsi darteedna uga guuray

Isku soo wada duubuu Madaxwayne Siiraanyo ayaa laga sugayaa in uu Talaabo ka qaado oo Gudoomiye Mustafe Shiine u badalo Gobolada yaryar ee Halka Magaalo ka kooban Hawshooduna ay fududahay Gobolka Gabiley u magacaabo Masuul Kashka iyo Laabta u sii daaya Xilka Culus qaadi kara dardar galiyana Adeegyada Danta Guud ee Magaalooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Gabiley looga baahan yahay.

 

 

WAJAALENEWS DESK

TOGWAJAALE OFFICE

WARIYE CABDIQAADIR CABDIRAXMAAN

EMAILWAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version