Hargeysa(Wajaalenews) Guddi heer qaran ah oo guddida komishanka doorashooyinka Somaliland hogaaminayo ayaa u ambabaxay gobolada Sool iyo Sanaag bari, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay guddida doorashada ee Somaliland.
Ujeedka Weftigan ayaa lagu sheegay soo qiimaynta xaaladdaha dhinaca ammaanka iyo siday suuro gal uga tahay deggaannada bari in laga sameeyo diwaangalinta codbixiyeyaasha Somaliland.
Nuxurka Qoraalka Komishanka
WAR-SAXAAFADEED Date: 04/08/2015
Ujeedo; Komishanka Doorashooyinka Qaranak oo Kormeer shaqo
ugu ambabaxay Gobalada Bariga Somaliland.
Maanta oo Salaaso ah 04/08/2015 waxa gobalada Bariga Somaliland ugu ambabaxay wafti Heer Qaran ah. Waftigaas oo uu hogaaminayo gudoomiyaha komishanka Doorashooyinka Qaranku Eng. Abdiqaadir Iimaan Warsame
Socdaalkan waxay ujeedadiisu tahay in loo kuur galo xaalada diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashooyinka deegaamo ka tirsan gobalada Sool iyo Sanaag Bari iyo xaalada amaan ee deegaamadaas.
Waftigan heerka qaran ah oo la filayo in socdaalkoodu qaato mudo laba todobaad ah waxay ka kala socdaan:
- Gudida Komishanka Qaranka.
- Saddexda xisbi qaran “KULMIYE, UCID iyo WADANI.
- Wasaarada gaashaandhiga.
- Wasaarada arimaha gudaha.
- Golaha guurtida.
- Golaha wakiilada.
Allaa mahad leh
Komishaneer:
Saciid Cali Muuse