WAJAALE NEWS

Waxba kuma lihi Qulqulatooyinka Qalalaase ee Qarqiyay Ummaddayda! “Qalin maal Cabdinaasir Axmed Ibraahim”Qaybta 2aad

  1. XUKUUMADDA…

Xukuumaddu waxa ay ka seexatay waajibaad badan oo saarnaa. Dhammaan masuuliyiinta jagooyinka sarsare ka haya xukuumaddu, waxa ay ahayd in ay ku mashquulaan jaangoynta masayrka ummadda iyo dejinta siyaasadda dalka lagu hagayo dhinacyada, Dhaqaalaha, Caafimaadka iyo waxbarashada.

Dhaqaalaha waxa ay ku sheegaan inuu kobcay, mase aaminsani. Haddii uu kobcayna shakhsiyaad kooban jeebkooda ayuu ku dhex kobcay. Shaqo la’aantu dabarka ayay goosatay. Macaluushuna irrid  walba way garaacday, marka laga reebo guryo aan sidaa u badnayn. Wax walba way sii qaaliyoobayaan. Da’yartuna suurto galnimada in dalku ka soo reeyo, way ka dardaar wariyeen. Waxaanay rajada dhigeen, markii ay u muuqan weyday wax yididiilo ah.

“ Qofka weyni xasuus buu ku nool yahay, qofka yar na rajo.”

       Qadar lacag ah oo banaanka laga soo qarafeysto iyo cashuurta saboolka laga ururiyo, waxaa ku tamash leeyaha oo baabuur qaali ah ka iibsada shakhsiyaad aanay u kala soocnayn xaaraanta iyo xalaasho oo aan ka war hayn. In aan xaaraanta lagu raaxaysan ee la eedo. Soomaalidu halka ay ka taagnayd dhuuni raacnimada ama booli-dhaadhinimada. Waxa ay uga digi jireen dadka qaab murtiyeed. Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday. Gabyaaga Soomaaliyeed ee dhuuni –qaatenimada sida ba’an u hujuumay, waxaa an ka xusuusan karnaa, C/laahi Suldaan( Tima-cadde) mar uu maagayay rag ummadda xil u hayay oo “wax hunguriga mara, moodhadh la fuulo iyo daar cad oo la galo, ku badhashay sharafkii iyo maamuuskoodii qofnimo.”  Wuxuu yidhi;                                                       Nimankii muggooduba ahaa, maalin la casuumo.                                                                                           Nimankii muraadkoobu ahaa moodhadhka iyo daar.                                                                                                                                             Mararka qaar waxa aad arkaysaa xubnaha dowladda ugu sarsareeya oo in ba in tuhmayso, Haddaad diiradda weynaysada ku eegtana waxa kuu muuqanaya in jabaqda baxaysa iyo hirdanka socdaa uu daaran yahay (shilimaad la kala qarsaday). Taana waxa aan ku iloobay maahmaahdan;                            Cantuugo jiilaal can ba can buu tuhun.

Waxba kuma lihi qulqulatooyinka qalalaase ee qarqiyay ummaddayda ee ay hormuudka ka yihiin saraakiisha dowladdu

  LA SOCO………

Exit mobile version