WAJAALE NEWS

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Hadlay Warqad La Sheegay Inuu U Qoray Dawlada Somalia.

Hargeisa(wajaalenews)-Wasiirka madaxtooyada somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa markii ugu horaysay ka hadlay warqad lagu eedanayey inuu u qoray dawlada somaliya taas oo la xidhiidha maalgashiga dekeda Berbera.

Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo arimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay waa war been ah iyo waraaq foojari ah, dekedii berbera waatan oo waanu ka shaqaynaynaa waanan horu marinaynaa cid aanu u daba fadhiisanaynaana ma jirto, cidna ka baryi mayno waana dalkayagii oo waanu dhisaynaa  oo waanuhoru marinaynaa cid kasta oo wax nagaga xidhmaana waanu hor fadhiisanaynaa.”

Sidoo kale wasiirka madaxtooyada somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay fiicnay in dawlada Xamar loo yeelo qiimo iyada oo la dhaawacayo qaranimada somaliland waxaanu mar kale yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya “Somaliya waxa iskugu kaaya danbaysay Stanbul iyo maalintii cadayd ee aanu kala tagnay markaa cida ku war wareegaysa waraaqahaas foojariga ah  waxaan leeyahay qaranimada wax haw dhimina, mucaarid iyo muxaafidna waa wax xun in Xamarna qiimo loo yeelo oo laga dhigo in loo tartamayo qaranka somaliland-na  la dhaawaco  iyada oo lays leeyahay qof weerara, waxaan leeyahay waa dhaawac qaranka loo gaysanayo waana foojari ee yaan loo noqon.” Ayuu hadalkiisa ku soo koobay wasiirka madaxtooyada somaliland.

 

 

Exit mobile version