WAJAALE NEWS

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Hadlay Safarkii Ay Ku Tageen Degmada Agabar Ee Gobolka Gabiley.

AGABAR(Wajaalenews) Socdaalka Maanta aan ku gaadhnay degmada Agabar ayey ujeedadiisu ahayd ka jawaabida baaqii abaaraha, gudoonsiinta gaadiid fududeeya hawl maalmeedka maamulka degmada iyo dhagax dhiga dhisme maamulku ku shaqeeyo.

Waxaan maanta socdaal isugu jira u kuurgalida xaaladaha abaareed iyo gudoonsiinta mashaariic horumarineed aan ku gaadhnay degmada Agabar ee Gobolka Gabiley

Socdaalkan oo aan ku wada jirnay Marwada Koobaad ee Qaranka Jsl, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Wasiiro, Xildhibaano iyo maamulka heer degmo iyo heer gobol ee gobolka Gabiley ayaa ujeedadiisu ahayd ka jawaabida baahiyaha aasaasiga ah ee degmada oo ay uugu muhiimsanayeen wax ka qabashada baaqii abaareed ee maalmihii u dambeeyey ka taagnaa gobolada galbeedka Somaliland iyo sidoo kale sidii loogu wareejin lahaa gaadiid ay isticmaalaan maamulka degmadu oo baahi badan loo qabay.

Sidoo kale waxaa deeq raashin ah la gaadhsiiyey ku dhawaad 150 guri oo abaarahuhu saameeyeen, deeqdaas oo hordhac u noqon doonta qorshaha xukuumada kaga aadan ka jawaabida baaqa abaaraha ee ka taagan gobolada galbeedka dalka.

Sida aynu ognahay degmada Agabar waxay kamid tahay dhul beereedka dalkeena Somaliland waxaana hubaal ah in qorshaha ay kamid tahay in biyo-xidheeno waawayn laga sameeyo si ay wax badan uga taraan biyaha roobka ee sanad walba socodka ku dhaafa kuwaas oo wax badan ka tari lahaa abaaraha soo noqnoqda sidoo kalena kor u qaadi lahayeen wax soo saarka dalkeena.

Ugu dambayntii waxaanu degmada u dhagax dhignay dhisme ay ku shaqeeyaan maamulka degmada Agabar kaasi oo wax badan ka tari doona dardar gelinta hawl maalmeedka maamul ee degmada sidoo kalena aanu u balan qaadnay in gaadiidka dhooliga ah “Ambulance” aanu dhawaan u keeni doono.

Waxaan Illaahay uuga baryeyaa guud ahaanba shacabka ku dhaqan Somaliland in Alle abaarta ka jabiyo isla markaana raxmaadkiisa u shubo.

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Exit mobile version