WAJAALE NEWS

Somcable Yaa Af Soomaaliga..

“Nin rag’ii eraygiisa, afeef buu ka dhigtaaye, RABBOW eex ma tiraabin’e, aqoon ha igu cadaabin, Gaarriye.”  Cabdinaasir Axmed Ibraahim: haddii gef qoraalkan ishaydu ku dhacday isla markaa aan isku dayay inaan ummadda u soo gudbiyo, macnaheedu maaha inaan ku xeel dheerahay naxwaha ama qoraalka Af Soomaaliga. Mana aha inaan shirkaddan si gaar ah u bar-tilmaameedsanayo. Hore waxaan uga hadlay gef qoraallo ay gashay shirkadda Telesom iyo qaar ay gashay Dahabshiil, Somcable na waa ka mid uun. Kani waa hal gef, laakiin dhammaan boodhadhka ay daabacday waan soo maridoonaa, qaar kale na usbuucan ayaan soo dhigayaa, gefka kan ku xiga ee Somcable gahsay waa  dhinaca “ kal dhaca Af Soomaaliga, Tense .”

 

Somcable oo ahayd Shirkaddii adduunkii ugu faraha weynnaa la galiyay, tan iyo intii ay Soomaliland jirtay.  Dad kuna u han weynaa, harraadka loo qabay, lagu na tuhmayay in aqoon iyo karti shaqaalaheeda lagu soo xulan doono. Ayaa tabbeellooyinkii ugu horreeyay ee ay dhajiso ay ka muuqataa in gabi ahaan ba shaqaalaha qaybta qoraallada joogaa ay ka arradan yihiin qorista Af Soomaaliga. Gef qoraalka ugu weyn ee ishu isla markaad halacsataba qabannaysaa waa; So!So gasho!. Sidaan filaayo, waxa ay uga jeedeen “Soo gasho.” Hasa yeeshee, waxa ay qoreen So! So gasho!. Marka hore, waxa ay laba goor soo celiyeen So, So. Oo markeeda hore ba si khaldan u qornayd. Marka xiga, waxa ay  khalad fahmeen hab-adeegsiga (astaanta layaabka !).

Astaanta la yaabku ahmiyadda ay u leedahay qoraalka Soomaaliga waxaad ka dheehan kartaa buugta Naxwaha Soomaaliga. Waxa ay isku raacayaan in astaanta la yaabku ku jirto (Qaybaha hadalka) Tusaale;  Qodob, Magaca, Magac u yaal, Tilmaame, Fal, Falkaab ama Fal gargaare. Xidhiidhiye, Meeleeye iyo Yaab. Halka ay naxwaha Af Ingiriisiga kaga jirto waxa loo yaqaanno (Punctuation Marks) oo Af Soomaaliga ku noqonnaysa (Astaamaha hadalka kala qala) Ceebta ugu weyni waxa weeyaan  carruurta yar yar ee dugsiga hoose ee Sheekh Bashiir dhigata, waxa ay u qaadanayaan in Af Soomaaliga nin ba siduu doono u qori karo. Waa wax laga xishoodo Shirkad aqoon yahan ka buuxo oo gefkaas oo kale ka soo baxay.  

Exit mobile version