WAJAALE NEWS

Riyaddii Rumawday W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Meertadda Nolashu wey muuqaalo badan tahay.Ifisaddii soo baxdaana waxay wadataa waayaheeda.Qofku  waxa uu markasta u dhexeeyaa; Farxad,murugo,caafimaad,xanuun,hodan-nimo, wax la’aan iyo ugu danbayntii geeri iyo nolol.Marka aad eegto siday Xiliyada Wakhtigu isku bedalaan ee u kala yihiin Gu’,Jiilaal,Dayr iyo Xaggaa’ ee uu midkastaaba ka ka-horeeya uga muuqaal iyo marxalad duwanyahay,ayaa Nolasha Qofka Bini’aadamka ahina ka dhigantahay.Haddaan Fahamka kuusoo dhaweeyo Akhriste,iyada oo Dad iyo duunyaba ay ku dhufatay Abaar ba’ani’,duunyadiina idlaatay,Dadkiina dhimasho qarka u saaranyahay,ayaa ILAAHAY adoomadiisa Nimcaddiisa ugu deeqaa,waxaana la-durduurtaa naq iyo barwaaqo lawada-mahadiyo,laguna reeyo.

 

Marka uu ILAAHAY ka saarayo Adoomadiisa Xaaladaas adag  ee Haraadka,Surmiga iyo Surbacaadka u saaxiibka ah,ayaa lagu sheegaa inay tahay Marka Adoomuhu ay Quus halkii ugu danbaysay taagan yihiin,isla markaana ay ka rajo dhigaan nolol danbe iyo inay Marxaladan adag ka gudbaan.taas waxa la mid ah Xaaladda shaqsiga Bini’aadamka ah kusoo marta meertadda Nolosha inta uu Ifka xaadirka ku yahay.waxa uu galayaa Xaalad nololeed oo aad u liidata,isla markaana waxa uu waajahayaa Dhibaatooyin,Imtixaano iyo Duruufo adag oo Nololeed.waxa Maankiisa ka tanbanaya Su’aalo iyo weydiimo aan tiro lahayn,kuwaas oo iskugu soo biyo-shubanaya Xaaladdan Cakiran iyo Duruufahan adag ee la-deriska ah.mana garanayo Xiliga uu ka baxayo iyo xeeladda uu kaga baxayaba.

 

Waxa hor-imanaya  asxaab iyo rafiiqyo ay isku Ologg Nolasha ah wada ahaayeen barisamaadkii iyo siday maanta u kala yihiin cir iyo dhul ee aanay iskugu dhawayn.waxaanay taasi u horseedaysaa inuu gabi-ahaanba ka rajo dhigo guusha Nolosha iyo Xaqiijinta Himiladda iyo Higsiga dubaaqiisa ka guuxaya iyo ka faa’iidaysiga Awoodaha qarsoon ee Rabbi ku galaday.waxa uu aaminayaa in isaga ay halkaas ugu eegtahay,isla markaasna aanay jirin meel kale oo uu halkaas u dhaafo oo uu awoodeeda leeyahay.waxa kale oo maankiisa degaysa in Shaqsiyaadka kale ee Nolasha Horumarka ka sameeyay ay jiraan awood iyo nasiib ay isaga dheeryihiin oo aanu isagu nasiib u helin inay furdaas ay heleen ay isaga al-baabka kusoo garaacdo.qofkaas-na wey adagtahay inuu sameeyo Is-bedel togan  iyo talaabo hour-socod leh oo uu kaga baxayo Marxaladaas,waxaana uu ahaanayaa qof col hortii jabay,kaas-na waxa muuqata in laga guulaystay,waxaana ka adkaanaya Duruufaha Iyo ged-gedoonka Wakhtiga.Balse waxa Jiraa shaqsiyaad kale oo Guul-daradooda ay guuli uga dhalato.waxaana uu hadh iyo habeen u taagan yahay sidii uu u ahaan lahaa Qof kaalin gal ah,isla markaana shalay halkii uu joogay aanu maanta joogin ee uu hore uga sii gudbo.

 

Wiilka Magaciisa la yidhaahdo Ismaaciil waxa uu ahaa wiil kasoo jeeda qoys iska sabool ah,isla markaana aanay talo-xumaan iyo Midnimo la’aan qoyskooda ahi isku barkadeen.waxa uu ahaa Shaqsi ka aradan dhamaan aas-aasiyaadka Nolasha ee ay helaan dhiggiisu sida; Waxbarasho,Caafimaad iyo helitaanka nolol Mustabal leh  iyo raas ama Hoy uu ka himilo iyo khibarad qaato.

 

Hammi kasta oo uu yeesho iyo qorshe kasta oo uu soo dejisto waxa dabrayay gacan-qabasho la’aanta haysta iyo duruufaha kala gadisan ee ku Lamaan.Balse isaga waxa ka go’an inuu ka midho dhaliyo Hadafkiisa iyo u dhabar adayga duruufaha ku gedaaman.maalintii ugu dhibta iyo saxariirka badnayd Ismaaciil ayaa waxay ahayd…..

 

Lasoco………

 

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Exit mobile version