WAJAALE NEWS

Qaylo-dhaanta Wasiirro indhahooda ku soo arkay Baaxadda Abaarta, Bakhtiga Xoolaha iyo Diifta Dadka ku dhaqan Deegaannada Galbeedka

Hargeysa, (Wajaalenews) Wefti uu hoggaaminayo wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Sheekh Khaliif Axmed iyo masuuliyiin ka socda hay’ad Samafal oo laga leeyahay dalka Sucuudiga, ayaa socdaal indho-indhayn ah ku maray deegaannada abaaruhu saameeyeen ee gobollada Awdal iyo Selal.

Weftiga ayaa indhahooda ku soo arkay bakhtiga xoolo tiro badan oo yaalla inta badan deegannada ay socdaalka ku mareen, iyagoo la kulmay Qoysas ay ka dhammaadeen wixii ay xoolo lahaayeen Adhi, Geel iyo lo’ba oo bakhtigoodu yaalla duleedkoda.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan degmada Garba-dadar ee gobolka Selal oo ka mid ahaa deegaamada ay weftigu socdaalka ku mareen, ayaa baaq ku wejahan abaarta iyo saamaynta ay ku yeelatay dadka reer Guuraaga ah u diray Umadda Muslimiinta ah ee adduunka.

“Waxaanu joognaa degmada Garba-dadar oo ka mid ah gobolka Selal, waxa waddanka ka taagan abaar ba’an, dhaqaalaha xoolaha Somaliland laf-dhabartiisu waa xoolaha, dadku xoolaha ayay ku nool yihiin, xooluhu dhirta ayay ku nooshahay, dhirtuna biyaayay ku nooshahay, marka biyaha waayana waxaas aad arkaysaan baa dhacaya (Xoolaha bakhtiyey),” ayuu yidhi Dr Sacad Cali Shire.

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Abaartu dalka oo dhan bay ka jirtaa, waxaanu ku qiyaasnay dadka abaartu saamaysay ilaa Afartan Kun oo Qoys ama ilaa 240 kun oo qof. Dadkaas oo dhami gar-gaar bay u baahan yihiin. Waxaanu ka codsanaynaa umadda Muslimiinta ah inay gacan ka geystaan sidii dadkaas gar-gaar deg-deg ah loo keeni lahaa. Marka la dhaafo gargaarkaas deg-degga ah, dadkani waxay u baahan yihiin sidii looga caawin lahaa mashaariic horumarineed si looga hortago abaarta soo noq-noqonaysa sidan ay maanta u saamaysay oo xoolihii u dhammaysay, dadkiina u itaal-daran yihiin.”

Dadka xoolo-dhaqatada ah ee Abaarahani saamaynta ku yeesheen, ayaa xukuumadda iyo adduun-weynaha ka codsaday gar-gaar ah deg-deg ah oo loogu gurmado, iyagoo sheegay marka laga yimaaddo xoolaha ka madhay inay noloshoodu halis ku jirto maadaama ay ka dhammaadaan xoolihii ay manafaacadsanayeen.

“Adhigaygu Shan boqol buu ahaa, maanta konton neef kama aroorin,” waxa sidaas ku calaacalay mid ka mid ah dadka xoolo-dhaqatada ah ee abaartu xoolaha ka dhammaysay.

Abaarta ka taagan gobollada Galbeedka Somaliland oo lagu tilmaamay tii ugu cuslayd ee ku dhufata taariikhda inta la ogyahay, khasaare nafeed iyo mid duunyabana geysatay, ayaa madaxweynaha Somaliland kaga jawaabay gurmadkeeda Guddi heer Qaran ah oo madaxweyne ku-xigeenku guddoomiye u yahay, waxaanay guddigani dhowaan bilaabeen gar-gaar raashin ah oo xukuumaddu ibo-fur uga dhigtay gurmad ay beesha Caalamka u direen, kaas oo la gaadhsiiyeey qaybo ka mid ah deegaanno ka tirsan gobollada Galbeedka ee Abaartu ka jirto.

Exit mobile version