WAJAALE NEWS

Muwaaddin Aan Waallayn Oo Markhaati U Haysta In Uu Miyir Qabo!!

Ku: Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Korkordhinlaand, Hargeysa

Ku: Garyaqaanka Maxkamadda Sare  

Aniga oo ah eedaysane hore/dembilaawe Ibraahin-Hawd Yuusuf Axmed, wax aan Maxkamadda u ga mahadnaqayaa eedaynta aan awalba sharciga ahayn ee ay i gu oogtay Qawlaysatada Afduub Qaran (QAQ) in aad jebiseen, oo oggolaateen xorriyaddayda iyo xaqnimada hadalkayga muwaaddinnimo.

Mudane Garyaqaan, aniguna dhankayga wax aan Maxkamadda Sare ee maamuuska leh ka dalbanayaa in magdhaw la i ga siiyo Qawlaysatada Afduub Qaran (QAQ) ee i gu sheegtay in aan ahay nin waalan, taas oo ah tab ay ku la dhaqmaan cid walba oo dhaliisha ama tilmaanta sharci darrada iyo qawlaysatannimada ay dalka ka wadaan. Aniga oo ah muwaaddin miyirqaba, miyirqabkaygana uu marag u yahay Cabdi-Shirikaan oo xil muhiim ah ka haya maamulka Qawlaysatada Afduub Qaran (QAQ), in la i gu sheego qof waalan waa arrin meelkadhac iyo xadgudub ku ah xuquuqdayda miyirqabnimo.

Mudane Garyaqaan, wax aan kale oo halkan ku soo gudbinayaa dacwad ka dhan ah Qawlaysatada Afduub Qaran (QAQ). Sida ku cad dastuurka Jamhuuriyadda Korkordhinlaand, golayaasha Qaranka waa in la doortaa shantii sannadoodba mar. Mar walba waxaa leh masuuliyadda qabashada doorashooyinka dastuuriga ah Xukuumadda xilligaa talada haysa oo kaashanaysa hay’adaha ay hawshu khusayso.

Haddaba sida la wada og yahay, Mudane Garyaqaan, madaxweynihii iyo xigeenkiisii la doortay 26/6/2010 wax ay ku wacad fureen dastuurkii Qaranka iyo heshiiskii umadda, iyaga oo la hiishaday qaadka iyo qabyaaladda ay umaddu ku yara maqnayd, wax ayna ulakac u sagsaageen doorashooyinkii ay u xilsaarnaayeen, iyaga oo ka shaqeeyay in ay sii haystaan talo aan sharci ahayn.

Mudane Garyaqaan, taa waxaa ka horraysay Golaha Wakiillada Bakhtiyay iyo Golaha Guurtida abaaday oo ay beri hore ka dhacday kalsoonidii dadweynuhu, sidaana caawa ku ah laba gole oo dhabarka isu xoqaya.

Arrimahaas oo dhan aniga oo eegaya, ogna sharci ahaan Maxkamadda Sare in ay tahay hay’adda qudha ee caawa haysata aqoonsiga dastuuriga ah umadda, Mudane Garsoore, wax aan soo jeedinayaa talooyin badbaado oo saddex ah:

1) Maxkamadda Sare ha ka la dirto idil ahaan golayaasha sharci darrada ah ee umadda dusha ka ga fadhiya (Wakiillada, Guurtida iyo Madaxtooyada).

2) Maxkamadda Sare iyada oo adeegsanaysa awooddeeda dastuuriga ah, oo ilaalinaysa hannaanka dimuqraaddiga ee umaddu dooratay, una danaynaysa wadajirka iyo nabadda dadka ku dhaqan Jamhuuriyadda Korkordhinlaand, ha amarto in ay saddexda xisbi ee sharciga ahi (Kulmiye, Waddani iyo Ucid) ay soo dhisaan xukuumad wadaag ah oo kumeelgaadh ah, la guna gaadho doorashada soo socota. Saddexda xisbina xilalka xukuumadda cusub ha u qaybsadeen sidii ay u ka la cod badnaayeen doorashadii u gu dambaysay.

3) Dhammaan xubnaha shantii sannadood ee tegay xilka ka soo qabtay Jamhuuriyadda Korkordhinlaand, Maxmakadda Sare ha ku samayso xisaabtan dhaqaale oo daba socda musuqmaasuqii baahay ee la gu bililiqaystay hantida yar ee umaddan saboolka ah. Hana meelmariso Maxkamaddu mabda’a ”Xaggee baad xoolahan ka keentay?”.

Mudnaan iyo mahadnaq badan, Garsoore

Allaa mahad leh

Muwaaddin aan waallayn oo markhaati u haysta in uu miyir qabo
Ibraahin-Hawd Yuusuf Axmed

Markhaatiyo: Cabdi-Shirikaan iyo qaar kaloo badan

 

Exit mobile version