Ilaahay baa mahad leh marka hore ,marka xigtana rasuulkiisa muxamed baa sharaf leh (NNKH) .
Inta aynaan gudo-gelin mawduucan waxa haboon inaynu isla fahano waa maxay siyaasaddi ? waa maxayse qabyaaladdi ?.
Siyaasad ; waa hab maamulka bulsho ama ummad . kelmaddu waa kelmad carabiya oo noqonaysa ‘’maslaxadda umadda “.
Sidaasoy tahay dadka qaar ayaa aaminsan in NEBI muxamed SCW uu ahaa siyaasigii ugu wanaagsana ee adduunka soo mara iyagoo ka duulaya in hogaamiyaha wanaagsani yahay siyaasi wanaagsan.
Qabyaaladda ; qabiil :hiddo raaca raaca bulsho . qabyaladdu waxay ka faracanta qabiilka ,sidaas awgeed qabyalaad waxa lagu qeexi kara ; qaylo-dhaanta qabiilka ama hiddo raaca bulsho ee habarwacashada leh (qaylodhaan ).
Qabiilka diinta islaamka iyo dhaqanka soomaaliduba waa ka raali se qabyaalaadda diinta islaamka ,dhaqanka soomaalida iyo dawladnimaduba wey kasoo horjeedaaan.
Abwaan Maxamed xaashi dhamac gaariye AHN’e waa ki lahaa ;
‘’uf qabiilka anaa leh
Wuxuunba ku adeegta
Nin iskii kartidiidiisa
Isu taagi karayno
Una haysta ateero
Ayuu dembi gel
Laga hoos galo eeda “
Sidoo kale waati weedha can baxday ee Abwaan c/laahi suldaan tima-cade ahayd “dugsi ma leh qabyaaladdi waxay dumiso mooyaane ”
Qabyaaladdu waa aafo qaran oo bulshadda soomaliyeed haysata gaar ahaaneed ,dawladda Somaliland .shicibka ,xukuumadda iyo wax-garadkuba waa qaar ogsoon dibta qabyaaladda hadanase iyagaa hor kaca oo shida dab kasta oo sii huriya qabyaaladda .
Xidhiidhka ka dhaxeeya qabyaaladda iyo siyaasadda Somaliland
muxuu salka ku hayaa ?
Aqoonsi la’aan: haddii bulshada Somaliland ay ahaan lahayd qaar haysta ictiraaf caalamiya waxa iman lahaa inaan lagu mashqqulen arrimo qabiil iyo mid qabyaaladdeed toona . sidoo kale waxa iman lahaa dariiqi loo mara lahaa hay’addo caalamiya oo lagu dacweeyo cid kasta oo gasha aano qabyalaaddeed iyagoo xidhan shaadhka dawladnimo.
Deegaanka : habka deegaan ee ay soomalidu u degantahay ayaa Iyana xidhiidh la leh qabiilka taasi oo ay ugu wacantahay bulshada oo markii hore isku urursatay qabiil ahaan inay meel wada degaan iyagoo kala ahaa biyo –raac iyo xer –raac . xilliyadda doorashada baarlamanka iyo golaha deegaanka ayay arrintani saamayn weyn ku yeelata siyaasadda ..
Bur-burkii dawladdii kacaanka: arrintan ayaa waxa laga dhaxlay arrimo badan oo aasaas u ahaa noolaynta qabyaaladda islamarkaana diciifiya dawladnimadda waxana qoddobadaas ka mid ah ;
*shufto-reereed (dey-dey )
*maamul la ‘aan iyo qaranimadda oo aan la aqoonsan
*dagaale sokeeye oo dhashay
*dhaqaale xumo .
Wakhtiga dawladnimo oo yar :bulshada Somaliland wakhtigeeda dawladnimo (Somaliland maaha dawlad la ictiraafsanyahay hadanase waa dalwad is aqoonsan ) oo yar waa mid sababay in qabyaaladda iyo siyaasaddu isku milmaan ,sabatoo ah adduunka oo dhami wa uu soo maray in qabiil la isku adoonsaddo iyo in jinsi (colour) ahaan la isku adoonsaddo waxaaso dhanba waxaa xadeeyay marki dambe maamulka dawladnimo ee caalamka intiisa badani qaateen iyo hay’adaha caalamiga ah ee lagu midoobay.
Xisbiyadda siyaasadda : xisbiyadda siyaasaddu waxa lala doonayay inay qarankan ka saaran qabiilka oo ay tubta dawladnimo iyo dimuquraadiyadda cagta inoo saaran se taas bedelkeeda ayaa dhacday oo xisbiyadda siyaasaddu waxay noqdeen xaruumo reernimada lagasoo alooso ,islamarkaana wax caadi ah ka dhigey in siyaasadda Somaliland iyo qabyaaladdu isku milmaan. Qodobadda aan u cuskan doono in xisbiyaddu ka mid yihiin isku xidhka labadan waxa ka mid ah;
Xubnaha golaha dhexe ee xisbiyaddu waa qaar lagusoo xusho hab –qabiil
Musharaxa madaxweyne ee xisbi kasta waxa taageera maal iyo mood ahaanba ganacsatadda reerkiisa iyo tolkii intii wax haysataba .
Khilaafka soo kala dhex-gala masuuliyiinta xisbiga waxa xalliya oo qayb weyn ka qaata oday-dhaqameedyo.
Oday –dhaqameedka : oday dhaqameedka soomalidu wuxuu ahaan jirey mid ka taliya arrimah reerkisa oo keliya ,wuxuu ahaan jirey mid aan arrimaha dawladnimo inta badan wax shaqo aan ku lahayn se manta oday-dhaqameedku waa masuuliyiinta sargooya siyaasadda Somaliland sidoo kale waxay kaalin mug leh ka qaataan olalaha xisbiyadda xilliyada dorooshiyinka ,iyadoo inta badan oday kastaaba uu heshiis afka ah oo hab-qabiil ku dhisan ku taageero cidda uu u olalaynayo.
Saamaynta qabyaaladdu ku leedahay siyaasadda Somaliland ?
dawlad xummo : nin lagu doortay hab-qabiil marnaba uma shaqayn doona si qaran. Oo waati soomaalidu lahayd “hal-xaarani nirig xalaala ma dhasho ”. dawlad xumadaaasna waxa kadhasha :*musuq-maasuq : waxaan marnaba jireyn isla-xisaabtan sax ah waayo masuul kasta oo xil haya waxa uu u jooga beel ee uma xil saarna qaran sida inta badan dhacda. Haddiiba aad qof musu-maasuq sameeyay weerarto waxaad weerartay beel ee shakhsi maad taaban,waaki abwaan gaariye lahaa AHN’e “markaad hebel duqayso Reer hebel damqanaya”
*cadaalad –darro : waxa imanaysa inaan loo sinaan saamiga shaqada iyo kheyraadka dhulka kasoo baxa, iyadoo loogu takrifalayo hadba sida cidda maamulka haysa ay raali ka tahay . taasi oo ay sabab u tahayna doorashadii iyo imaanshanimadii xubinta xilka haysa ay ku yimaadeen hab-qabiil.
– sharci-jebin
– shaqo-la’aan .
– dagaale sokeeye : qofku markuu tirsado cadaalad darro ,musuq-maasuq ,eex iyo hiil waxa imanaysa inuu ka aamin baxo dawladnimadda oo uu abuuro si kasta oo uu wax ku heli karo xaq-darana ha ahaate ,taasina waxay keenaysa dagaale sokeeye oo dalka ka dhasha.
-safaradda caalamiga : safaradda caalamiga ah ee dawladu u baxdo haday heshiis tahay iyo haddiiba qadiyadda qaranka la iib geynayo waxa inta badan masuuliyiinta safaradda lagu xula hab-qabiil .
Waxa xusid mudan 1954kii markii Somaliland aqoonsiga loo doonayay shanti nin ee is raacay ;
c/raxmaan dubbe ,maykal-mariamo,suldaan biixi,suldaan c/laahi sul.diiriye iyo suldaan c/raxmaan sul.diiriye .
shantaas nin laba ka mid ahi isku reer ayay ahaayeen ,hadana la isma weydiin maxaa labadda nin ee isku reerka ah loo wada direy? dadku waxay ahaayeen qaar dareen wadaniyadeed leh oo aan aqoon qabyaaladda iyo waxa la hal maala .
maantana labadii qof ee u baxaya shaqo dawladeed waxa la isku raaciya qabiil iyo saami reernimo. 2011kiii shirkii ingiriiska ee lagaga wada hadlayay wada-hadaladda somalliland waxay ahaayeen xubnaha ka qaybgelay dhamaan qabiiladda Somaliland oo saami lagu kaxeeyay.sisoo kale guddiyadda madaxweynuhu magacaaba sida :guddidii ictiraaf raadintu waxay ahayd Iyana qaar qabiiladda Somaliland degan oo dhami u dhanaayeen.
Saamaynta qabyaaladdu ku leedahay siyaasiga Somaliland.
Xaasid : qofku wuxuu noqda mid xaasida oo xaasida cid kasta oo reerkooda madaxa lasoo kacda taasi oo uu aaminsanyahay inay ku socdaan kursigiisa .
Khiyaanoole
Qof bilaa kalsooniya . iyo dhamaan magacaanta aan kusoo xusnay saamaynta siyaasadda (musu-maasuq iyo cadaalad darro ) oo sifo loo bedelay ayuu ku sifoobaya siyaasigu
Xalka lagu kala saari karo qabyaaladda iyo siyaasadda isku milantay
dhib kasta oo bani aadam keeno xalkiisana bani’ aadamku wuu gaaadha . sidaas awgeed qabyaaladdu waa dhib ay beereen bulshadu xalka
aan anigu aragti ahaan is leeyahay wa lagu kala saari kara qabyaaladda iyo siyaasaddu waa kuwan:
In dhalinyar siyaasadda lagu jiheeyo : dhalinyartu waa cududda dalka ,waana meesha laga qiyaasi karo horumarka dalka iyo dib-udhaciisaba .
Haddii la helo dhalinyar ka xor ah qabyaaladda ,xog-ogogaal u ah siyaasadda islamarkaana leh dareen wadaniyadeed waxay ku saacidaysa inay hadda sii go’ansadaan mustaqblaka siyaasadeed ee dalka ay ku wajahi karaan ,sidaaso kalena ay ku samaysan karaan xisbiyo leh ajendayaal dejisan oo bulshada qancin kara.
Dhaqaale : dal waxa la dhisa marka dadkiisa la dhiso ,haddii dhaqaale baahsan la helo waxa hubaala in aad loo yarayn karo qabyalaadda islamarkaana bulshadda inteeda badan ay xor ka noqon doonaan shirarka reeraha iyo ku xidhnaansho xaafadeed(tol-ka ).
Shuruuc ka dhan ah qabyaaladda : in la helo ugu yaran 5000 oo qof oo horgeeya baarlamanka Somaliland xeerar ka dhan ah qabyalaadda Iyana waxay kala saari lahayd siyaasadda somaliland iyo qabyaaladda isku milantay oo waxa iman lahaa xeerar qabta madaxda dalka iyo cid kasta o bulshadan xil u haysa .
Wadaniyadda: wadaniyaddu waxay ka timaada xaga bulshada iyo xaga dawladda .wakhti xaadirkan labadaas dhinacba wey ka aradanyihiin dareen wadaniyadeed ,waxaana loo baahanyahay inay dawladdu manjahka waxbarashada dalka ku darto xiisado wadaniyadda ka sheekaynaya oo qofka baraya xaqa dalku ku leeyahay iyo ka uu isagu ku leeyahay dalkaba . sidoo kale qofku waa inuu aqoon buuxda u leeyahay baaxadda dhulkiisa ,inta barri ah iyo inta bad ah taasina waxay dhalisa jacayl qofku dalkiisa u qaado oo uu ku xisaabtami karo inu leeyahay dal hodan ah.
hadiiba dareen wadaniyadeed bulshada dhex galo iyadana waxa cagta la saaraya tubta dawladnimo. Olole ka dhan ah qabyaaladda : olole ka dhan ah qabylaaddu waa mid mudan in la sameeyo ismalarkaana bulshada laga wacyigeliyo dhibaatada qabyalaadu ku hayso maamulka iyo horumarka dalka,wakhtigan hadda waxa jira ololaha cidhibtirka qabyaaladda oo laga yagleelay Somaliland (OCQ) barnaamijkaas oo kale waxaan u arkaya inuu yahay mid aad u hawl fudaydinaya in bulshadu ku baraarugto dhibaatada qabyaaladda.
Guntii iyo geba-gebadii ,umusha wixii u dan ah ayaa ilmahana u dan ah .somaliland danteedu waa in qabyaaladda laga baxo ,Somaliland danteedu wa in dawladnimadda la barto ,Somaliland danteedu waa in maskax,maal iyo muruqba la iskugu geeyo sidii qarankan horumarkiisa looga shaqeyn lahaa .
Somaliland qaran iyo qabiil mid uun bay ahaani waxaan ku soo khatimaya gabayga gaariye AHN’e uu lahaa :
“ Ama waynu adkaano
Wax jiraynu ahaan
Ama weynu idlaano
Dib la inoo arki maayo ”
Axmed x.cumar xuseen (oday)
Medical student at UOH .