WAJAALE NEWS

Maxkamadda Sare Maxay Ka Doontay Sonsaf-ta Muda Dhaaftay!?

Faallo: Saxafi Staff

Makamadda Dastuuriga ahi ee Somaliland ayaa todobaadkii ugu danbeeyay ku hawlanayd wadda tashiyo ay la yeelanaysay Axsaabta siyaasadda oo uga fadhidda fasiraad sharci oo ku waajahan waqtiga doorashooyinka.

Ma Xumma la tashiyaddu, laakiin, waa in aanu xadkiisa dhaafin sidda immika dhacday. Haa, Maxkamadda La tashigii waxa uu kala gudbay xuduudka oo waa la karaaray,  waxaana uu ula galay Qolyo iyagga Qudhoodu Waqtigii ka dhamaaday oo muda dhaaf ku haysta meesha.waa madaxda SONSAF. Dabcan, waxay calaamadba u yihiin mudo korodh iyo in iyaga mooyee aan cid kale iman dalada SONSAF Waayo 30% xubnaha BOD-ka oo uu Gudomiyahu ugu horeeyaa ma ay dhicin marnaba tan iyo markii la sameeyay daladaas. Waxaa intaas dheer  madaxda Dalada Sonsaf oo ay ahayd in shirweynahoodii ay qabtaan bishii saddexaad ee sanadka ayaan ku guulaysan taas. Dabadeed, waxaa umaddu is weydiisay, Maxkamadda Sare maxay qoladaasna ka doontay ma waxay doonaysay inay ka barato sida ay u awoodeen iyaddoo aan buuq dhalan inay kuraasta iska sii fadhiyaan.

Yaan qallin taraarine, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waa xogogaal, waana uu u og-yahay in Sonsaf dunidii isla aragtay, Islamarkaana muddo dhaafka iyo faragalinta saxaafadu geyayaysiiyay in laga wadda joojiyo mashaariicdii ay magaca Qarsoon ee Soomaaliweynta ah ku maamuli jireen, marka laga reebo Xeer saxaafadeed lagu daboolayo Xeerkii Saxaafada Somaliland ee 2004 oo muddo dhowr Sanadood ahba qoladda Sonsaf kala shaqeynaysay hay’ad lagu magacaabo Somaliland National Association Swedish oo ka helaya dhaqaalaha urrurka SIDA oo dawlada Swedan u qabilsan arimaha binu aadannimada oo ku hawlan sida la yidhi inay warbaahinta maamul Goboleedyadda Soomaaliya u sameeyaan dabar lagu horjoogsado ka hor intaan dib loo qorshayn barnaamijka   New Deal-ka 2016.

Si aad akhriste u fahamto waa arrintii keentay in ururka SOLJA kala Jabo oo si dadban loo hoosgeeyo Wasaaradda Warfaafinta Somaliland qaybta xooga kula wareegtay. Sidaas darteed, looma baahneyn in maxkamadu qoladdaas canbaaraysani sawir la gasho. Waana in wixii danbe guddoomiyuhu iska jiraa waa talo e canbaareyn iyo eed midna xaasha’e, maaha.

 

Exit mobile version