WAJAALE NEWS

Maxaa ka jira In Dowladda Ingiriisku Saluug ka Muujisay Go’aankii Maxkamadda Sare kaga Gar-naqday khilaafkii Wakhtiga Doorashooyinka?

Addis Ababa, (Wajaalenews)- Safaarada Dowladda Ingiriisku ku leedahay caasimada dalka Itoobiya Addis Ababa, ayaa beenisay jiritaanka wareysi la sheegay in Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ms Harriet Mathews kaga hadashay Go’aankii Maxkamada Sare ee Somaliland ka soo saartay khilaafkii siyaasadeed ee ka taagnaa muddo-kordhinta Golaha Guurtida.

Sida lagu baahiyey Warbaahinta dalka qaarkood Arbacadii shalay, Safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaalida Ms Harriet Mathews, ayaa la sheegay inay waraysi lagula yeeshay magaalada Nairobi kaga hadashay go’aanka Maxkamadda Sare ka soo saartay murankii sharci ee dhinaca doorashooyinka oo ay saluug ka muujisay, kuna sheegtay in go’aankaasi yahay mid wax u dhimaya jiritaanka nidaamka dimuqraadiyadda Somaliland iyo xidhiidhka beesha caalamka ka dhexeeya.

Waraysiga la sheegay inay Ms Mathew kaga hadashay qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ah oo wax laga weydiiyey, waxa ay ku tilmaantay inuu niyad-jab ku yahay Somaliland iyo Cid kasta oo Jecel Horumarka Somaliland.

Balse waxa jiritaanka Waraysigaas iyo xogta la faafiyeyna waxba kama jiraan ku sheegtay haweenka ugu sarreysa Xafiiska Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa u qaabilsan Xidhiidhka Somaliland Ms. Lizzie Lovett oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey xaqiijinta warkan, waxaanay sheegtay inaanay jirin haba-yaraatee Waraysi ay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya kaga hadashay mowqifka dowladdooda ee ku wejahan go’aanka Maxkamadda Sare.

Weriye Maxamuud Walaaleeye oo haweenaydan kula xidhiidhay khadka xidhiidhka bulshada, su’aalna ka weydiiyey arrintan, waxa ay Ms. Lizzie Lovett ku jawaabtay, “Ma jiro wareysi Ms Harriet Mathews ku bixisay Nairobi, ama ay kaga hadashay go’aankii maxkamadda intaan ogahay, markaa Waraysigaasi waxba kama jiraan,” ayey tidhi Ms Lizzie.

Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland, ayaa Salaasadii dorraad shaacisey go’aan sharci oo jawaab u ah qoraal Madaxweynaha Somaliland 8-dii bishan kaga dalbaday inay Tafsiir Sharci ka bixiso muddo-kordhinta sannadka iyo tobanka bilood ah ee Guurtidu u samaysay Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada iyo heshiis Xisbiyada iyo Xukuumaddu wada galeen.

Maxkamaddu waxay ku dhawaaqday inuu sharci yahay go’aanka Golaha Guurtidu ku kordhiyey muddada Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada oo muddadoodii hore ku dhammaaday 26 June 2015-ka, isla markaana loo kordhiyey illaa 28-ka bisha April 2017-ka, halka ay cayintay in wakhtigaa bil ka hor la qabto doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada. Waxaanay Maxkamaddu laashay heshiis Xisbiyada iyo Xukuumaddu wada galeen 27 May 2015, oo dhigayey in doorashada laga soo hor-mariyo wakhtigaas oo la qabto 15-ka December 2016-ka.

 

 

Exit mobile version