WAJAALE NEWS

Madaxweynaha ICC Raadinayso Ee Suudaan Oo Qorsheeyay Inuu Safar Ku Tago Maraykanka

Madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir oo ay baadi-goobayso   Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka (ICC) oo ku eedeysay inuu galay dambiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha ayaa Qorsheynaya inuu u duulo Magaalada New York ee dalka Mareykanka Bisha soo socota ee September, si uu uga Qaybgalo Shir Gaar ah oo lagaga Hadlayo Horumarka Waddamada Caalamka; Sida uu Sheegay ku xigeenka Ergayga QM ee dalka Suudaan.

Qaramada Midoobay ayaa Qabanaysa 26-ka September Shir Horumarka Caalamka lagaga hadli doono, kaasoo ay Qayb ka tahay Suudaan, Waxaana la Sheegay in la doonayo in ay Madaxda Sudan ka hadlaan. iyadoo Shirkan lagaga hadli doono Horumarinta Caalamka 15-ka sano ee soo socda.

Mar la weydiiyay ku xigeenka Ergayga QM ee Sudan, Xasan Hamid in Jen. Al-bashiir uu ka Qaybgalayo shirkaas iyo in kale, ayuu ku jawaabay, “Haa wuu ka Qayb-galayaa.” Balse ma bixin faahfaahin intaas ka badan.

Shirka Guud ee Qaramada Midoobay oo Furmaya 28-ka September 2015-ka ayay Suudaan Sheegtay inay ku matalayaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Suudaan.

Laakiinse, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan, Cali Al-Sadiiqi ayaa isna Xaqiijiyay Arrintan. Isagoo intaas ku daray in Al-bashiir uu sannadkii 2013-ka doonayay inuu khubad ka jeediyo shir-madaxeedka QM, laakiinse ay ka daahday fiisihii uu ku tegi lahaa Mareykanka, taasoo sababtay inuu u safri waayo Mareyanka.

Dhanka kale, Afhayeen u Hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maryekanka ayaa isna u sheegay Warbaahinta inaanay weli soo gaadhin warbixin ku saabsan in Cumar Al-bashiir uu booqan doono New York bisha soo socota.

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dalka ee ICC ayaa soo Saartay Amar ah in lasoo xidho Madaxweynaha dalka Suudaan Al-bashiir Sannadihii 2009-kii iyo 2010-kii, Laakiinse weli kuma guuleysa inay soo Xidho Al-bashiir.

Waddamada Xubnaha ka ah ICC ayaa loo gudbiyay codsiyo ku aaddan in lasoo xidho Al-bashiir iyo xubnaha kale ee ay doonayaan haddii ay dalalkooda booqasho ku yimaadaan, Laakiin Dowladda Mareykanka kuma jirto Dalalkii Saxiixay heshiiska Maxkamadda ICC. Iyadoo Washington ay horay shaacisay in Madaxda Calaamka inay kasoo Qaybgeli karaan Shirka Guud ee Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyn, Cumar Al-bashiir ayaa horay ugu gacan-saydhay Maxkamadda ICC, isagoo si caadi ah ugu safra dalalka Afrika iyo kuwa Bariga Dhexe. Laakiin badhtamihii bishii Juun ee sannadkan ayay ahayd markii dalka Koonfur Afrika uu kasoo baxday, kaddib markii ay Maxkamad ku taalla Dalkaas ku Amartay inaanu ka bixin Dalkaas, kaddib codsi ka yimid Maxkamadda ICC oo ahaa in la xidho.

 

Exit mobile version