WAJAALE NEWS

Madaxwayne Obama oo la Hadlay Dhallinyaro laga kala keenay Dalalka Qaaradda Afrika

Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama ayaa khudbad u jeediyay in kabadan 500 oo dhalinyaro ah oo dalalka Saxaaraha ka hooseeyay ee Qaaradda Afrika ka kala yimid.

Barack Obama wuxuu dhallinyaradan Afrikaanka ah u sheegay in Qaaraddu ay horumar ka gaartay dagaalka ay kula jirto Cudurka AIDS-ka, isagoo sheegay in malaayiin Afrikaan ah laga saaray Saboolnimo. Wuxuu intaa raaciyay in dhallinta Afrika ay horumarkan iyagu qayb ka yihiin, ayna Afrika tahay Qaarad ay ku nool yihiin dhallinyarada ugu da’da yar Adduunka.

Sidoo kale, Obama ayaa dhalinyarada Afrika ka kala yimid ku boorriyay inay sii dhisaan oo sii wadaan Horumarkan ay Qaaraddu Gaartay.

Dhallintan ayaa ka Qayb-galayay Barnaamijka YALI oo ah Hindisaha Hogaamiyayaasha da’da yar ee Afrika oo ah barnaamij uu maamulka Obama billaabay oo lagu Taageeraa hoggaamiyayaasha Qaarakadda Africk u soo baxaya oo iyagu Qayb ka qaadanaya Kororka Dhaqaalaha, Xoojinta Maamulka Dimuqraadiyadda iyo Adkeynta Qaababka Bulshada Rayidka ah, kuwaasoo iyagu gacan ka geysan doonta in qaaraddu ay korto oo baraarto.

Barnaamijka “YALI” waxaa Obama uu ku dhawaaqay safarkiisii Koonfur Africa uu ku tagay sannadkii 2013, waxayna dhalinyaradu ay ka qeybqaleen sannadkan tababarro 6 toddobaad socday oo ay ku qaateen 20 jaamacadood oo Maraykanka ku yaalla. Dhalintan ayaa jaamacaddahan ku soo bartey tababarro ay ku balaarinayeen xirfadaha kale duwan, sida hal abuurka ganacsiga iyo waliba arrimaha madaniga ah.

Obama wuxuu dhallinyarada ku yiri. “Rajadeennu waa in 10, 15 ama 20 sano kaddib aad noqotaan Wasiirro ama madax aad markaas isla xiriirtaan oo aad wax kala barataan. idinka oo caawin doona jiilka soo socda.”

​Sidoo kale, Obama wuxuu kulanka uga dhawaaqay in 80 dhalinyaro ah oo Maraykan ah ay barnaamijka “YALI” ka qeybgali doonaan, iyagoo sannadka danbe tagi doona Africa si ay halkaasi wax uga soo bartaan.

Obama wuxuu kaloo ku dhawaaqay in dhalinyarada Africa ee “YALI” ka qeybgala oo 500 ah imika la kordhin doono oo sannadka danbe ay noqon donaan 1000 qof.

Obama wuxuu kaloo ku dhawaaqay in magaalada Acra, Ghana laga furay maanta xarunta labaad ee “YALI” iyadoo horey xarunta koowaad looga furay Nairobi. Laba xarumood oo kale ayaa laga furi dono South Africa and Senegal dhammaadka sannadkan. Xarumahan ayaa tababari doono 3500 oo dhalinyaro African ah sannad walba.

Barnaamijkan YALI dhalinyarada Afrika ka timid ee ka Qeyb-galay waxaa ka mid ah dhalinyaro ka timid Soomaaliya, Djibouti, Kenya, gaar ahaa Waqooyi-Bari Kenya iyo Ethiopia.

 

Exit mobile version