WAJAALE NEWS

Machad Caalami ah oo ku Baaqay in Aqoonsiga Somaliland Dan u yahay Siyaasadda dunida ee Maraykanka

“Wakhtigii Maraykanku aqoonsan lahaa Somaliland wuu taagan yahay, maaha keliya wakhtigii ku habboonaa, balse waa danta siyaasadda Maraykanka. Aqoonsiga Somaliland waxa uu furi doonaa…

“Caqabada kale ee hor-taagan Aqoonsiga Somaliland, ayaa ah in lagu riixay Qaaradda afrika, dadka ka soo horjeeda ayaa ku dooda in Maraykanku sugo inta waddamada Qaaradda Afrika bilaabayaan… Taa beddelkeedu waa inaanay noqon marmarsiiyo uu Maraykanku kaga gabbado….” Mr. Peter J. Schraeder

Washington,(Wajaalenews)- Machad caalami ah oo arrimaha siyaasadda dunida ka faallooda, ayaa Xukuumadda Maraykanka, ugu baaqay inay taagan tahay wakhtigii ay si rasmi ah u aqoonsan lahayd madax-bannaanida Somaliland, taasoo lagu hambalyeyn doono tallaabada Siyaasadda dhiirran ee ay ku taageerayso dalkan Muslimka ah ee dimuquraaddiga casriga ah.

Sidaa waxa lagu sheegay Warbixin uu soo saaray Machadka Siyaasadaha iyo Xidhiidhada Caalamka ee Maraykanka. Warbixintan oo u diyaariyey Mr. Peter J. Schraeder oo ah Khabiir Madax ka ah Waaxda Siyaasadaha Caalamka ee Jaamacadda Chicago, waxa uu ku sheegay in Somaliland haddii ay hore ula Midowday Soomaaliya, sharciyan ay xaq u leedahay inay dib uga soo noqoto. Qoraalka Warbixintaas oo dheerayd, kuna qornayn Luuqadda Ingiriisida, balse Bahda Wargeyska Himilo Soomaali ku turjuntay waxay u dhignayd sidan:-

“Waxa muhiim ah in la ogaado markii Somaliland xornimada qaadatay inay si rasmi ah u noqotay dal madax-bannaan oo Qaramada Midoobay ka tirsan, isla markaana aqoonsadeen Shan iyo Soddon waddan oo Maraykanku ku jiro, maalmo ka dibna si aan khasab ahayn ayey ula midowday Koonfurta, si loo abuuro Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Shacabka Somaliland waxay aamminsan yihiin in maaddaama oo Midnimadooda Koonfur aan lagu khasbin, sida Xeerka Caalamku dhigayo ay xaq u leeyihiin inay ka laabtaan haddii lagu hungoobo, sida hore-ba ay u sameeyeen waddamo la aqoonsanaa oo Midoobay haddana kala noqday sida East Timor, Eritrea, Gambia, iyo waddamadii ka farcamay Midowgii Soofiyeeti iyo Yuguslaafiya.

Nidaamka dimuquraaddiga ee Somaliland waxa hore u ammaanay Machadka dhiirrigelinta dimuquraadiyadda iyo Machadka Caalamiga ee Jamhuuriga dood-cilmiyeed ay qabteen September 2006, oo ay ka soo saareen Warbixin ay ku sheegeen; ‘raacitaanka nidaamka dimuquraadiyadda Somaliland, joogtaynta qabashada doorashooyinka, oo dhammaan lagu qanco natiijadoodii, kaalinta ay khilaafaadkooda ugu xalliyaan wadahadal, sida ay u tashiilaan kheyrraadkooda kooban, waxyaalahaa iyo kuwo kale oo badani waxay muujinayaan qaan-gaadhnimada nidaamka Siyaasadeed ee Somaliland oo badi aan laga helin dunnida kale.’

Caqabada kale ee hor-taagan Aqoonsiga Somaliland, ayaa ah in lagu riixay Qaaradda afrika, dadka ka soo horjeeda ayaa ku dooda in Maraykanku sugo inta waddamada Qaaradda Afrika bilaabayaan, tallaabadaas oo hore Ku-xigeenkii Xoghayaha arrimaha dibedda arrimaha Afrika Jendayi Frazer, ugu dhawaaqday, ayey isweydiintu tahay ma muuqataa in Midowga Afrika tallaabadaas ku dhiirranayaan, taa bedelkeedana waa inaanay noqon marmarsiinyo Maraykanku kaga gabbado ka jawaabista arrinka Somaliland.

Wakhtigii Maraykanku aqoonsan lahaa Somaliland wuu taagan yahay, maaha keliya wakhtigii ku habboonaa, balse waa danta siyaasadda Maraykanka. Aqoonsiga Somaliland waxa uu furi doonaa kaalin beesha caalamku ula macaamisho, isla markaana u noqon doontaa cashar waddamadda gobolku (keliya aan ahayn Soomaaliya) ku deydaan, in abuuritaanka nidaam dimuquraaddi shaqeynaya, abaalmarin lagu helo, Maraykankana waa lagu hambalyeyn doonaa qaaditaanka tallaabo siyaasadeed dhiirran ee ku aqoonsado dalkan (Somaliland) Muslimka ah ee nidaamka dimuquraadiyadda casriga qaatay.”

Exit mobile version