WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Ururka Dhalinyaradda Jiidali Oo Dhaliilihii Ugu Cuslaa Dusha Ka Saaray Gudoomiye Muuse Biixi Iyo Sababaha Ay U Cuskadeen.

Hargaysa:(Wajaalenews)- Waxaan Halkan Ku Cadaynayaa inaanu Kalsoonidii aanu u haynay

A/rahman Hasan Aadan Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo macaga ururka Jiidali waxaan doonayaa inaan

war saxaafadeedkan kaga hadlo laba mawduuc oo kala aH Siyaasada Fashilan ee Aragtida

gaaban ku dhisan ee Gud/Muuse Biixi iyo Dhalinyaro uu Abti iyo Adeer uu yahay

kuwaasi oo ahaa Nimankii Ka dabeeyay Xadhiga xubnihii Dhalin yarada jiidali oo uu

maalimihii ina dhaafay uu safar kaambayn ah ugu diray Magaalada Burco . Taasina

waxay si Toos ah u muujinaysaa Siyaasada Fashilan ee uu Ku dhaqmayo Gud.Muuse Biixi

Waxaan doonayaa inaan bulshada reer somaliland iyo beesha jiidaliba aan u sheego

inaan kalsoonidii kala noqonay Gud. Muuse biixi kadib markii aan si dhab ah u darisnay

xaaladiisa siyaasadeed iyo damiciisa aan aragtida hogaamiyeed ku salaysnay . muuse

waa cadayste ku faa’iida khilaafka siyaasadeed ee uu markasta kula dhex joogo s/land

dhexdeeda iyo xusbiga uu gudoomiyaha ka yahay waxaanu marar badan dagaalo

siyaasadeed si toos ah iyo si dadbanba ula galay siyaasiyiin Ka Magac wayn kaasi oo ku

guulaystay inuu dhabar jab siyaasadeed ku noqdo Hankii ay siyaasiyiintaasi lahaayeen

waxaa ka mid ah Prof; Ahmed Husen Cise, oo ahaa musharixii 2008 shirwaynihii labaad

ee xusbiga kulmiye kula tartamayay Ahmed siilaanyo kaasi oo si toos ah uu Gud.Muuse

uu dagaal siyaasadeed oo toos ah ula galay kuna waayay hankiisii siyaasadeed. waxaan

la ilaawi karin khilaafkii kal hore ka dhex curtay xusbiga kulmiye oo u dhexeeyay Hanka

musharaxnimo ee Cabdi casiis M.samaale, Mahamed Biixi yoonis iyo Gud.Muuse kaasi

oo uu muuse si badheed ah uga cadhooday Damacooga siyaasadeed ee Hogaaminta

sida aynu ka wada war qabno Gud.muuse wuxuu kiciyay kacdoon siyaasadeed oo dalka

nabad galyadiisa khalkhal galiyay , Wuxuuna aakhirkii sidii cadadiisa ahayd ku badashay

Damaciisii iyo hankiisiiba Xogaa Shilimo ah kaasi oo aan wax talo ah kala yeelan

masuuliyiintii ku garab taagnayd sheegashada  damaciisa iyo Hankiisa

siyaaseed. Kuwaasi oo dhamaanba taageeradii kala noqday Gud.Muuse.

  1. Dhalinyarada uu Gud . muuse abaabulay ee uu Abtiga iyo adeerka u wada yahay ee

uu u diray magaalada burco waxaan cadaynayaa in aanay matalin Ururka Jiidali , ,

waxay sharci daro ku tahay qaranka somaliland , iyo heshiiskii labada dhinac ahaa ee u

dhexeeyay Gud. muuse iyo Madaxweyne A.siilaanyo kaasi oo ahaa in aan wax kaambayn

siyaasadeed ah la gali karin ilaa inta la cadaynayo Musharaxa Xusbiga Kulmiye..

Komishanka doorashooyinka ayaa Xaq u leh in ay iclaamiyaan mudada Kaambaynka

Doorashooyinka , waxaa nasiib daro ah in muuse oo doonaya inuu qarankan hogaan u

noqdo inuu uu gacantiisa ku fushado wax yabo badan oo sharci daro ah waxaanay

taasi ka turjumaysaa sida uu muuse gacantiisa ugu qaadanayo sharaciga dalka waxaa

su’aal u baahan in aynu is waydiino hadii uu Madaxweyne ka noqdo s/land sidee bee

sharciga ugu hogaansami doonaa ?

Waxaan ku soo gaba gabaynayaa oo aan u sheegayaa shacabka reer.s/land

Maahmaahda ah ( Nimaan Kuu Furayn Yaanu kuu rarin)

Reer Burcona waxaan leeyahay ha noqonina dad masiirkooda ku waaya gacantooda .

wax ka barta taariikhaha siyaasadeed iyo nololeed ee Gud.muuse biixi .

Wabilaahi Tawfiiq

Abdirahman Hasan Adan

Gud: ururka Jiidali

Exit mobile version