WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Jaamacada Prof. Gaas Oo Iska Difaacay Eedo Loo Jeediyay, Kana Hadlay Xidhnaanta Jaamacadda Hargaysa

Hargeysa(Wajaalenews) Prof. Cabdi Xuseen Gaas, guddoomiyaha jaamacadda Hargeysa, ayaa iska difaacay eedo ay u jeediyeen hormuudada Sayniska Prof. Axmed Maxamed Cadaad iyo Hormuudka dhaqaalaha iyo ganacsiga Prof. Keyse Cali Geeddi. Eedahaas oo ku saabsanaa in Mr Gaas hogaamin xumo ku wado Jaamacadda Hargeysa.

Prof. Gaas ayaa khilaafka Jaamacadda Hargeysa ku eedeeyay Prof. Cadaad “Rabshadda Jaamacadda waxaa wada oo masuul  ka ah ninka  Cadaad la yidhaahdo oo ah nin dhibaato badan oo Jaamacadda caqabad ku ah.  ninka la yidhaahdo Cadaad oo illaa xiligii Cigaal mushkiladdaa waday oo illaa berigaa Cigaal ku yidhi la ima eryi karo laakiin aakhirkii markii dawladdii Cigaal dhibaatadiisa ay aragtay la eryay,” ayuu yidho Prof. Gaas oo Wargeyska dawladda u waramay

Sidoo kale Mr Gaas, waxa uu ku dooday inuu hogaanka jaamacadda ku noqday aqoontiisa islamarkaana aanu ku iman qabyaalad, sidaas darteedna uu bari ka yahay arrimaha qabyaaladeed ee lagu eedeeyay inuu ku hogaaminayo jaamacadda.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay Prof. Gaas dhacdadii sababtay in la xidho jaamacadda “Maalintan ugu dambaysay waxaa dhacday dhibaato ka mid ah kuwii uu ninkaa Cadaad la yidhaahdaa Jaamacadda ku hayay waxaanu abaabul ku kiciyay  qaar ardayda ka mid ah oo falalkii gaadiidka lagu jajabiyay ee Jaamacadda lagu bur buriyay ku kacay waxaanay boolisku qabteen oo ay hayaan illaa  19 qof kuwaas oo qaarkood sheegay in uu jiray qorshe abaabulan oo sabab u ahaa dhibaatada dhacday.

Markii  aanu  aragnay  halista ammaan ee Jaamacadda ka taagan oo ay dhigtaan lix kun  oo arday isla markaana ay ka hawl galaan 300 oo shaqaale ah,  xilkuna annaga na saaran yahay waxaa khasab noqotay in Jaamacadda aanu xidhno inta arrinteeda meel la saarayo ee ammaankeedu sugmayo,  imika imtixaankii waa la boobay oo waxna  waa la googooyay waxna suuqa ayuu galay.berrito(maanta ayay boodhka Jaamacaddu kulan isugu imanayaan oo ay arrinta ka shirayaan. Markaa waxaan ka war sugaynaa go’aanka ka soo baxa guddiga sare ee Jaamacadda.”

 

 

Exit mobile version