WAJAALE NEWS

falanqaynta Wasiiradii Iyo Taliyayaashii Xilka Uu Ka Qaaday Madaxwayne Siilaanyo Mudo Xileedkiisii Xalaasha Ahaa Iyo Saamaynta Ay Ku lahaayeen , Wasiir Xirsi, Marwo Aamina Waris Iyo Muuse Biixi Xil Qaadistooda Qaybtii 3Aad.

HARGAYSA(Wajaalenews) Waxaynu qormadan ku eegi doonaa doorarka kala duwan ee ay ku lahaayeen Wasiir Xirsi, Marwada koowaad ee madaxwayanaha Aamina Sheekh Maxamuud Jirde  Aamina Waris iyo Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi Xilka qaadis masuuliyiin siyaabo kala duwan shaqada looga caydhiyay,

Masuuliyiinta xilalka laga qaday ayaa midkastaa xil wareejintii iyo goobaha lagu kulmaba  wuxuu hoosta ka xariiqay cidii qaniintay, halka laga raacay iyo godabtiisa cida uu u tirinayo

Waa mar kale iyo qormadeenii todobaadlaha ahaa Iyo Qaybtii 3Aad oo ah qormo todobaadle ah  waxaana maanta aynu ku falanqaydoonaa  wasiirkii hore ee maaliyada

Eng. Maxamed Haashi Cilmi oo kamid ahaa ragii sobobta u ahaa guusha kulmiye kadib mucaaradad xoogan oo uu kala hor tagay xukuumadii riyaale ee xiligaasi isaga oo had iyo jeer ku eedayn jiray xukuumadii riyaale musuqmaasuq baahsan soona bandhigi jiray hantiyaha ay lunsadaan masuuliyiintii xiligaasi ee uu hogaaminayay madaxweynihii hore ee Daahir riyaale Kaahin iyo xisbigii Udub.

kadib guushii xisbiga kulmiye waxaa madaxweyne silanyo abaal uga dhigay Eng. Maxamed Xaashi inuu u dhiibo wasiirka maaliyada taasi oo silanyo cadaynasa in madaxweyne siilaanyo xiligaasi ka go,anayd inuu dabar jaro musuqmaasuqa sobobta oo ah wasiirkan ayaa caan ku ah ilaalinta hantida dawlada.

xilkan kabacdi wuxuu Eng, maxamed xaashi la yimid dardar aan hore loo arag oo lagu kobcinayo dakhliga dawlada laguna dabar jarayo musuqmaasuqa isaga oo isla markiiba cirka geeyay miisaaniyadii dawlada, waxa uu bixiyay daynkii uu ka dhaxlay dawladii hore isaga oo khasnada dawlada kusoo celiyay qadar lacageed oo buuran, taasi oo sobob u noqotay in la kordhiyo mushaharooyinkii shaqaalaha dawlda, badalkii lacagaha somaliya ee laga isticmaali jiray qaar kamida gobolada bariga dalka, kudhiiranaantii in lacag la,aan laga dhigo iskuulada dawlada

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray lacagihii sida khaldan uga bixi jiray khasnada dawlada isaga oo dagaal adag la galay musuqmaasuqii ragaadiyay xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray dalka si wayna ay ugu diirsaden guud ahaan shacab waynaha Somaliland gaar ahaan intii jeclayd horumarka dalka.

Nasiib daro kuma uu sii raagin masuulkani xilka ee waxaa markiiba qaniinay masuuliyiin ku bahaloobay ka faaidaysiga awoodaha madaxweynaha ee u adeegsada shaqsiyaad jeclaysiga, necbaysiga iyo iskooxaysiga caanka ka noqday madaxtooyada.

 

Maxamed xaashi cilmi ayaa waxa uu dagaal culus lagalay masuuliyiin badan oo ku bahaloobay lacag kala bixida khasnada dawlada isaga oo shuruud adag kaga dhigay in ay usoo maraan sifada sharciga ah taasi oo caqabad kunoqotay nacamlayaasha madaxtooyada.

Hase ahaatee sobobaha xilka looga qaaday maxamed xaashi cilmi ayay sal u ahayd khilaaf sookala dhex galay  Marwada madax waynaha oo ay sobob u ahayd kadib markii uu Eng. maxamed xaashi ku celiyay jeegag lacageed oo ay ku dalbanasay in loogu soo daayo lacag ay ku casuumasay dad ay iyadu casuuntay arintaasi oo uu wasiirkii hore ee maaliyada maxamed xaashi cilmi dhawr jeer kaga hor istaagay lacagtaa shaqsiyadeed taasi oo khaati ku noqotay marwada.

Ta labaad ayaa iyaduna ahayd Eng. maxamed xaashi oo dagaal adag oo xaga ilaalinta hantida dawlada ahayd oo uu lagalay wasiirada ay isku haybta ahaayeen madax waynaha oo ay kamid ahayd khilaafkii waynaaa ee soo kala dhex galay Wasiir Maxamed Xaashi iyo Wasiirka Macdanta  Xuseen Cali Ducaale oo xiligaas heshiis lagalay shirkado macdan qodiseed taasi oo uu ina xaashi ka dalbaday wasiirkan macdanta inuu cashuurta kuwaajibtay shirkadan kusoo shubo qasnada dawlada khilaafkaaas oo cirka isku shareeray ayna soo galeen wasiiro ay isku hayb ahaayeen wasiirka macdanta oo uu kamid ahaaa wasiirka madaxtooyada Xirsi xaaji cali xasan oo dhinaca saaray wasiirka ay isku beesha ahaayeen.

 

Dhamaan khilaafyadaas ayaa sobobay inay dalbadaan wasiir Xirsi iyo marwada madaxwaynuhu in xilka laga xayuubiyo wasiir maxamed xaashi iyaga oo nidar ugu galay madaxweyne siilaanyo inay iskaga tagayaan xukuumadiusa hadii aanu xilka ka qaadin wasiir maxamed xaashi Maadaama uu caqabad ku yahay danahooga shaqsiyadeed iyo tooda maaliyadeedba.

Xil ka qaadista Eng. Maxamed xaashi cilmi wasiirkii hore ee maaliyada ayaa cagta saaratay uun isku shaandhaynaha aan macnaha ku fadhiyin ee ay daabka hayaan shaqsiyaad ku xeeran madaxwaynaha kuwaasi oo jaan gooya sii joogitaaanka ama lasii shaqaynta dawlada oo ku xidhan uun in daba dhilif ay u noqdaan. Shaqsiyaadkaas taasi oo baal marsan anshaxa xil gudasho ee masuuliyiinta haayadaha dawlada loo igmaday.

 

LASOCO QORMADEENA DANBE OO AYNU KU FALAN QAYDOONO MASUULIYIIN KALE.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

 

Exit mobile version