Jabuuti, (Wajaalenews)- Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Jabuuti Mr. Maxamed Cali Warsame iyo safiirka cusub ee Jabuuti u qaabilsan Somaliland, ayaa la filayaa inay socdaal ku yimaadaan dalka maanta.
Safiirka Maxamed C Warsame uu ku imanayo dalka oo noqonaya markii koowaad tan iyo markii horaantii sannadkan loo magacaabay xilka, ayaa ujeeddada socdaalka Safiirka Jabuuti ku sheegay sidii loo furi lahaa xafiiskii dalkaasi ku yeelanayo Somaliland.
Mr. Maxamed Cali Warsame, safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Jabuuti oo wargeyska Himilo wax ka weydiiyey socdaalka isaga iyo dhigiisa Jabuuti ku imanayaan manta dalka, waxa uu yidhi, “Ujeedada booqashada aan berry (maanta) u imanayno dalka waa sidii Safiirka cusub ee dalka Jabuuti u qaabilsan Somaliland u degi lahaa dalka, una furi lahaa xafiiskii dalkiisu dalka ku lahaa,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Maxamed Cali oo khadka telefonka ugu warramay weriye ka tirsan Himilo isagoo ku sugan dalka Jabuuti.
Furitaanka Xafiisyo dibloomasiyadeed oo labada waddan is-weydaaradaan ayaa lagu go’aamiyey kulan ay magaalada Jabuuti ku yeesheen Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Somaliland, xilli Md Siilaanyo socdaal ku tagay dalkaas sannadkii 2013-kii, iyadoo xukuumadda Somaliland xafiiskeeda hore uga furtay caasimadda Jabuuti, balse hirgelinta xafiiska dibloomaasiyadeed ee Jabuuti ka furanayso Somaliland, ayaa wax badan ku soo kordhin kara xidhiidhka labada waddan.
Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Jabuuti Maxamed Warsame, ayaa la sheegayaa inuu isbeddel ka sameeyey iskaashiga iyo xidhiidhkii labada waddan, in kasta oo ay jiraan tiraba dhowr oo arrimo dhinaca ammaanka ah loo xidhay isu-socodka labada waddan muddadii uu xilka hayey.
xigasho himilo