WAJAALE NEWS

DAAWO; “Nimanka Wasiirada Ah Ee Qaylinaya waxaanu Leenahay Sidaas ayay Ku laalnaanaysaa In Haamaha La Wareejiyo”Mujaahid Boobe

Hargeysa(Wajaalenews)-Xisbiga Mucaaridka ah WADDANI Ayaa soo dhaweeyay go’aanka golaha wakiilada Somaliland ku laaleen qorshe ay xukuumadu ku wareejinayso haamaha shidaalka Berbera.

Xoghayaha warfaafinta Xisbiga Waddani mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa golaha ku bogaadiyay go’aanka ay ku laaleen qorshaha lagu wareejinayo haamaha shidaalka, isagoo xukuumada usoo jeediyay si kasta oo ay uga xumaadaan laalida lagu sameeyay heshiiska lagu wareejinayo haamaha ay ku khasbanyihiin in ay ogaladaan.

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale waxaa uu ku amaanay golaha wakiilada sida ay u gutaan waajibaadka loosoo doortay isagoo ilaahay uga baryay inuu ku asturo shaqada ay umada u hayaan.

Mujaahid Boobe Oo maant saxaafada hargeysa kula hadlay ayaaa sheegay“Waxaanu u mahadnaqaynaa golaha wakiilada iibkii iyo wareejintii haamaha shidaalka ee ay laaleen aad ayaad ugu mahadsantihiin, ilaahay ha idin garansiiyo xilkiina, qolada wasiirada ah ee qalinaysa ee leh maanaan yeelin waxaaanu leenahay golaha hadaad keentaan iyo hadaydaan keeninba sidaasbay u laalnaanaysaa”Ayuu Yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.

Geesta Kale Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale waxaa uu ka warbixiyay Qorshe ay SNM Ku burburinaysay haamaha shidaalka oo madaxwayne Siilaanyo ka horjoogsaday isagoo wax laga xumaado ku tilmaama in Axmedkii shalay lexojecladu ka haysay maantana xukuumadiisii haamihii iibinayso.

 

 

Exit mobile version