“Ilmaha Yar Ee Gu’gii Tobnaad Immika Galay Markaan Meydkiisa Arkay Waxaan Aaminsanahay In Aanay Xabbad Qudhi Ku Dhicin Ee Baas Lagu Furay Oo Ay Rasaastu Wejiga Illaa Lafta Madaxu Hawada Ka Baxday”
“Taliyaha Saldhiga Koodbuur Iyo Saraakiil Kale Ayaa Markii “Ninka Guriga Dhisanayaa Ma Adigaa?” I Yidhaahdeen Ii Raaciyey “Waxaa kuu fadhiya janankii yo Maayarkii iyo dhinac kugu haysta dhulka, Ee ina keen”, Markaan Is wada Raacnayna Meel Aad U Kadeedan baa La I Dhigay [Igu Xidhay]”
********************
“Wallow Aan Hore U Qabay Tabobar Oo Aan Qaatay Tabobarkii U Horreeyey Ee Ciidammada Ee 1966-kii, Ibraahim Koodbuur Baa Macalin Ii Ahaa, Hadana Markii Aan SNM Galay Waxaan Ahaa Qaybtii Sahanka Ee Xaruntoodu Dibiile Ahayd”
************************
Hargeysa (Wajaalenews)- Muj. Axmed Maxamed Xasan (Japan) oo ahaa Aabaha qoyskii dhawaan Ciidammadu galeen ee degennaa xaafadda Jig-jiga yare e magaalada Hargeysa ayaa ka sheekeeyey dhacdooyin naxdin leh oo ku taxan qaabkii loo galay iyo dhimashadii iyo dhaawacii loo geystay caruurtiisa. Axmed Japan oo kamid ahaa Lixdii Mujaahid ee sahanka Ceelalyada ah u ahaa ka dhextooskii ay SNM cadawga kaga xoraysay Magaalada Hargeysa ayaa shalay sheegay in aanay haba yaraatee jirin ku haysatay dhulkiisa isaga oo wax laga xumaado ku sifeeyey in dhibaatadii loo geystay aan cid qudha oo dawladda ka mid ahi ka taciyey kana raalli gelin.
https://youtu.be/7oWmB7BFhHQ
Weriye Aadan Cabdi Ciidle oo shalay Mujaahidka ku booqday gurigiisa ayaa Xogwaran dheer oo uu dhinacyo badan kaga warraystay waxa uu kaga warramay qisooyin aanu samir u yeelan Karin oo naxdin iyo murugo isugu lammaan oo la xidhiidha falka lagu weeraray iyo sida xambaarsan. Ugu Horeyn isaga oo ka jawaabaya sida wax u dhaceen waxa uu yidhi “ “Magacyagu waa Axmed Maxamed Xasan, Axmed Jabbaan-na Waa la I yidhaahdaa, Awoowo-na waa la igu naanaysaa”. Sidaa ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “halkan waxaan degennaa ilaa 1993-ii, immikana ibtiladu waxa ay ka dhacday, waxaan is idhi suulli cusub, kadib markii suulliyadii hore iga buuxsameen, suuligii markaan qotayna waxaa la ii keenay nin kormeere ah oo dawladda hoose ka tirsan oo wuxuu qaatay alaabtii kadibna geesaha ayaanu isla galnay, markaan arrinkan arkayna waxan goostay inaan jeexo [seexo] dhulka bal waxa halkan ku jiraa ha soo baxaane, kadibna markaan bilaabay baa ciidan ii yimi oo jooji bay igu yidhaahdeen, aniguna qoraal miyaad sidataan baan ku idhi, iyaguna maya bay yidhaahdeen oo way iska noqdeen oo qoraal ii keena baan idhi. Markaa go;aan maxakamadeed oo igu dhacay ma hayo, fulin la ii sheegay oo igu soo maqnayd ma garanayo, joojin dhisme oo Maayarku keenay ma garanayo, Semen iyo yeedhis la ii yeedhay oo waxan la iga weydiiyey ma hayo. Markuu dhowr jeer ciidankii igu soo noqday ayaan ku idhi aniga ii geeya maayarka oo maalintii masiibadu dhici doonto ayaa haddaaya oo kale [xilligii waraysiga laga qaaday oo hadh-gal ama duhur ahayd] la ii geeyey maayarka, ninka guriga dhisanayaa ma adigaa ayuu maayarku I yidhi iyo haa baan idhi, maxaad ku dhisanaysaa buu I yidhi, ‘degenaan aan deganahay, sharcigiisii oo aan haysto iyo lahaanshiisa oo aan leeyahay baan ku dhisanayaa” ayaan ku idhi, kadibna ‘sharcigii dhulka ma haysataa iyo berri isu keen keen buu yidhi oo dhismahana jooji, aniguna waxba iguma aha ayaan ku idhi”.
Muj. Axmed-Jabbaan wuu sii waday xog-warankiisa oo waxa kale oo uu ka sheekeeyay go’aankii uu qaatay markii uu Dawladda hoose ka soo noqday, waxana uu yidhi “Markaan soo noqday ayaa waxaan ugu imi halkan sibidh badan oo qoyan, runtii maayarkana kalamaan soo ballamin khasaaraha ii yaalla, dabadeed ninkii dhisayay baan ku idhi, heshiis baan maayarka la soo galay oo waan ballanay, sibidhna waa kan yaalla ee intaa immika taalla ee qoyan saaroo jooji dhismaha oo haddii shaqaalaha oo aan waqtigoodu dhammaan uu sibidhku dhammaado iska fasax oo yoomkoodana sii”. “ arrinka oo halkaa maraya ayaa haddana ciidan kale yimaadeen, halkaas Indho-birta [meherad la deris ah dhulkiisa] ayay istaageen, haddana gaadhi kale oo ciidan ah baa u yimi oo taliyihii saldhiga Koodbuur iyo niman kale oo saraakiil ah baa yimi, aniguna bal waxa dhacay soo eeg baan is idhi oo waan utegey, dabadeed waxa ay I yidhaahdeen “ninka guriga dhisanayaa ma adigaa?” aniguna ‘Haa ‘ baan idhi. Haddana waxa ay I yidhaahdeen “waraaqahaagii miyaad haysataa?” “Haa baan ku idhi”. Waxa haddana ay I yidhaahdeen “Waxaa kuu fadhiya janankii yo Maayarkii iyo dhinac kale oo kugu haysta dhulka, markaa arrinku maanta ha innaga dhammaadee Faylkaaga soo qaado oo ina keen”. Aniguna waan soo qaatay oo waanu is raacnay kadibna saldhiga dhexe ayaa la igu duway oo gudaha ayaa la I dhigay, weliba taan kasii xumahay waxa ay ahayd meel aad u kadeedan oo meel qof weyn la dhigo ahayn baa la idhigay”. Ayuu Mujaahid Awoowo yidhi.
Intaa Kadib Maxaa Dhacay?.
Muj. Axmed MAxamed Xasan [Awoowo] waxa uu xog-warankiisan ku faahfaahiyey dhacdooyinkii is xigay ee markii la xidhay kadib lala beegsaday isaga iyo qoyskiisa waxaana uu yidhi “Isla daqiiqadii la I xidhayba inta gaadhi ciidan ah la soo dhaqaajiyey ayaa xaafaddii lagu bilaabay. Waxaas oo dhanna maan ogayne markii carruurtaydii gogol ii keeni waayeen ee ay go’ ii keeni waayeen ee ay biyo ii keeni waayeen baan gartay in ay masiibo dhacday, laakiin miisaanka ay leedahay maan garanayn. 11:00-kii [habeennimo] ayaa la I soodaayay wax dhacayna maan ogayn ee dhexda markaan soo socdo ayaa la ii sheegay, kadib waxaan imi gurigaygii oo dhan walba albaabada iyo daaqadaha ay dabayshu garaacayso oo carruurtii aanu midna ka joogin oo midba meel u baxsaday”.
Muxuu Yeelay Kadib?
“Markii aan imi ee waxa dhacay arkay sidii baan caruurtii midba meel ka dhacay ku soo urursaday, sidaas ayay wax u dhaceenna oo masiibadu u dhacday oo waxa ay ahayd masaa’ib, masaa’ibkana shaydaan baa ka adeega, Caruurtaydii laba kamid ahina waa dhaawac oo dhakhtarka ayay immika ku jiraan, waxase wax aad loola yaabo ah ilmaha yar ee sagaal jir ah ee gu’gii tobnaad hadda galayay ee la eryaday dhagaxa uu tuuraa cidna waxba ma yeello, usha uu qof ku dhuftaana waxba ma yeesho qofna, waxaanan aaminsanahay markaan meydkiisii arkay in markii la eryaday ee uu soo jeesta aanay xabbad qudhi ku dhicin ee baaska lagu furay halkaas wejiga illaa lafta madaxa ay hawada ka baxday. Wax illaa heerkaas [cadaawada] gaadhsiiyey ma garanayo. Geeridu waa xaq laakiin wejiga loo soo galay reerka ayaanan marnaba ka samrayn. Dhulkan bay noqotay, sharciga waan aqaannaa oo nin weyn baan ahay ee cid igu qabsatay oo igu haysata ma garanayo.
Axmed-japan iyo Cahdigii SNM Kaalintuu ku lahaa
Waraysigan oo shalay Weriye Aadan Cabdi Ciidle ka qaaday Muj. Axmed Maxamed Xasan waxyaabaha kale ee uu ka warsaday waxaa ka mid ahaa doorkii uu Ku lahaa halgankii dib u xoraynta qaran ee SNM hormoodka ka ahayd ee lagula soo noqday sidigtii [xornimadii] fool hallowday 1960-kii, isaga oo ka jawaabay weydiin nuxurkeedu taariikhdaas ku dherernaa waxaa uu yidhi “ taariikhda aan ku lahaa markii uu halkanku bilaabmay, waxaan ahaa madaxa qaybtinta shidaalka ee wakaalladii Bartoolka, gaar ahaanna waxaan ku jiray guddida tashiilka shidaalka ee gobolka, markaa rag badan oo saraakiil ah oo ay kamid ahaayeen Maxamed Xaashi Lixle, Axmed Maxamed Halac, Ibraahim Koodbuur baanu saaxiib ahayn oo isku mejlis ahayn. Markaa 1983-kii bilowgiisii ayaa anigoo wakaaladda Bartoolka ah kamid noqday xidhiidhka gudaha ee SNM. Markaas hay’ad walba SNM cid bay kulahayd, aniguna qaybtii shidaalka ayaan ahaa. Tabobarkaygii rasaastana wallow hore u qabay tabobar oo aan 1966-kii qaatay tabobarkii u horreeyey ciidamadda, oo Ibraahim Koodbuur baa iigu Macalin Ahaa, Xalane iyo Ceel-jaallayaashiiba. Markii aan baxay ee aan SNM galayna waxaan noqday qaybtii galbeed ee SAHANKA ee xaruntoodu Dibiile ahayd, illaa waqtigaas ilaa markii dalka lasoo galayna sahankii baan ahaa, oo markii Hargeysa ay ciidammada SNM soo galaysay waxaan ahaa sahankii kasoo horreeyey oo lix iyo toban nin oo lix ka mid ahi Hargeysa ku qornaayeen baan ahayn, lixdaasna waxaa maanta ka nool [Isaga], Cali Gurey, Khadar Cali Sabayse, Ina Awr-liqe (Cismaan), nin Maxamed-dhako la yidhaahdo oo immika naafo ah oo dibada ku maqan. Nin Yuusuf Gadhle la odhan Jiray iyo Gacmo-dheere-na way dhinteen, Lixdaas baanu Hargeysa ku qaabilsanayn. Toban-na waxa ay qaabilsanaayeen Waqooyiga, sida Agabar, Laas-dhuurre, Geed-deeble iyo Hora- haadley oo Cadawga laga hubiyo. Tobankaas waqooyigana waxaan filayaa in maanta ay afar ka nool yihiin.
Waa Sidee Dareenkaagu?
“dee nin masiibadaasi ku dhacday waa la garanayaa dareenkiisu sida uu noqonayo waxase igaga daran dawladda waxaas oo dekannooyin ah inta ay gaysatay haddana aan samir iyo iimaan I odhanin ee aanu nin qudhi iiga iman ee ku qanacsan waxa ay samaysay in uu sax yahay. Samir iyo Iimaan alla ha kaasiiyo, waxanina khalad bay u dhaceen wax I yidhaahdo maan arag. Aniga dalkan nabadgalyadiisa waan ku qasbanahay oo dalkaan u soo halgamay, oo maanta dalku wuu dhalaalayaa halkii awal gidaarrada nuurad laga marin jiray waxaa maanta la mariyaa Muraayad iyo marmar, waxaas oo qurux iyo dhalaal ahna aniga ayaa dhalay oo midhihii halgankayga, inay burburtana ma ogoli. Maanta xaafad walba kulliyad [Jaamacad] baa ah halkii awal hore Xamar loo tegi jiray” ayuu yidhi Mujaahidku waxaana uu intaa ku daray “Sideedaba qoriga looma qaato sokeeyaba ee waxaa loo qaataa Cadawga oo laabta lagag dhuftaa, markaa waxan jecelahay inaan sidii cadowga loola dagaalami lahaa aan shacabka loola dagaalamin, waxaanan farayaa dawladda in ay arrinkaas oo kale ka fiirsato”. Ugu dembeynna mar la weydiiyey waxa uu ka yeelayo khasaarihii naf iyo maalba lahaa ee soo gaadhay iyo cidda uu halkan farriinta uga dirayo waxaa uu yidhi “Wallaahi cid aan kala hadlo garan maayo, ilmahaygii dhintayna wuu ii saqiiray, belaayo tan ka daranna waan soo arkay, iyaguna [Dawladda] talo iigama baahna oo waa wada waayeel , iyagaanay u taallaa waxa ay yeelayaan iyo sida ay doonaan ee ay yeelayaan.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay muhaahidku.