WAJAALE NEWS

DAAWO- 17 Qof Oo Ku Dhaawacmay Rabshado Ka Dhacay Xero Qaxoonti Oo Ku Taala Jarmalka Oo Ka Dhashay Kitaab Qur’aan Ah Oo La Jeex-jeexay.

Ugu yaraan 15 qof oo Lix ka mid ahi ay sakar yihiin ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen rabshado gacan ka hadal wata oo ka dhashay nin jeex-jeexay kitaabka qur’aanka kariimka ah, oo dhacay xero qaxoonti oo ku taalla magaalo lagu magacaabo Suhl, oo ku taalla dalka Jarmalka.

Rabshadahan ayaa ka bilaabmay markii dad lagu qiyaasay Labaatan qof oo ah qaxoonti megengelyo doon ahi ay weerar ku qaadeen nin u dhashay wadanka Afghanistan oo ay ku eedeeyeen in uu jeex-jeexay boggag ka mid ah kitaabka quraanka kariimka ah kaddibna uu ku tuuray suuli.

Warku waxa uu intaa ku daray markii ciidamada amniga ee Jarmalku, ay isku deyeen inay kala dhex-galaan dadka rabshadu.

https://youtu.be/gjU4WxbFVIg

Exit mobile version