WAJAALE NEWS

Bal ka Warrama Dalka Uu Cali-Warancadde U Yahay Wasiir Muhiim ah, Mee Madaxweynihii Aynu Dooranay 2010?

Bal ka warrama dalka uu Cali-Warancadde u yahay wasiir muhiim ah (basaaskii ilaa Afweyne aan shaqo kale qaban ee aan weligii xaq iyo sharci dawladnimo ku shaqayn)? Bal ka warrama dalka uu wasiirka u gu awood badani yahay Xirsi-Toorriile oo isaga oo intaa la’eg maqaaxiyaha shaaha dhigdhigi jiray, oo ay dawladda soo geliyeen islaamo fooxisooyin ahi? Bal ka warrama dalka uu madaxweyne ka yahay oday gaboobay oo Siilaanyo la yidhaahdo oo aan wasiirradiisa ka la garanayn? Bal ka warrama dalka uu Gole Guurti oo afar goor doorashadii dastuuriga ahayd ka dhacay, qofka la ga majeertaa yahay Cabdiwaraabe oo Siilaanyo laba jeer dhali kara? Bal ka warrama ummad dhan oo xaaladda sidaa u gabowday ee u dhimatay ku hoos nool? Bal ka warrama waxa bulshadeenna sidaa u dullaynayaa in ay tahay aqoon la’aan dawladnimada innaga haysata, oo aynnu odhanayno: odayada daaya!

 

Mee dastuurkii ay umaddu u dooratay si ay u gu dawladowdo? Mee madaxweynihii aynnu doorannay 2010 ee aynnu beddeli lahayn, ama dib u dooran lahayn, 2015? Mee golihii wakiillada ee ay umaddu beri dooratay ee ay shan sannadood ka dib dooran lahayd? Mee Golihii Guurtida ee la dooran lahaa? Meeda dawladnimadii wax walba loo soo huray?

 

Ma koox budhcad ah oo lacag kaa urursanaysa ayaad dadkaaga ka qaban kari wayday? Anigu kollay aad baan u yaabban ahay!

Qalinkii  Ibraahim Hawd

Exit mobile version