Waxa maal mahanba golaha wakiilada hor yaaley xeerkii saxaafada somali land xeerkaa oo ay mudo dheer daba socdeen axmed siilaanyo iyo casaabadiisu iyagoo raba iney ku sameeyaan wax ka bedel iyo wax ku darsi hase yeeshee waxa in badan ka hor taagnaa in xeerka wax laga bedelo suxufiyiin uu ka mid ahaa xoghayihii guud ee geeriyoodey AHN maxamed rashiid hadaba waxa la yaab noqotey xeerka saxaafada madaxa banaan oo maanta hor yaala golaha wakiilada isla markaana ay dabada ka riixayaan axmed siilaanyo iyo casaabadiisu oo hadana aanay ka muuqan ururka solja wax dhaq dhaqaaqa oo ay kaga hor tegeyaan hawgalka la wado oo ah xeer cusub oo meesha ka saaraya saxaafad madax banaan waxa kaloo soo baxaya warar sheegaya in ururka saxaafada ee solja kaba mid yahay kuwa doonaya in xeerkii hore ee saxaafada meesha laga tuuro waxna laga bedelo laguna bedelo sida ay casaabadu jeceshahay sida ururka solja ka muuqata waxaaba laga yaabaa in arki doono dhawaan suxufi dulman oo uu markhaati ku yahay ururka saxaafada banaan ee solja waxa kaloo la sheegey in xubno ururka solja dhawaan ka qayb galay siminaar lagu qabtay magaalada muqdisho shirkaas oo lagu casuumay ururada saxaafada ee ka jira maamul goboleed yada dalka somaliya hadaba waxa is weydiintu tahay danaha ay ka leeyihiin axmed siilaanyo iyo casaabadiisu? waxaanse kaga jawaabayaa nin ragina wuu garanayaa nacasna loo sheegi maayo