WAJAALE NEWS

Waa Kuma Wadanka Ugu Sigaar Cabista Yar Aduunku?

Sida ay baahisay wakaalada wararka ee Afp wadanka ugu sigagaar CABISTA yar aduunka ayaa noqday turkumenistan oo kuyaala qaarada Asia.

Warbixin ay soosaartay ururka caafimaadka aduunka oo daraasad kusamaysay heerka uu marayo cabitaanka sigaarku GUUD ahaan dunida ayaa shaacisay todobaadkii hore in wax kayar 8% ay isticmaalaan cabitaanka sigaarka wadanka turkumenistan sidaana uu ku noqday wadanka ugu SIGAAR CABISTA yar aduunka.

Ururka caafimaadka aduunka WHO waxay warbixintan ku sheegtay in wadankan 1990 dadka sigaarka cabaa ahaa 27% raga halka dumarkana ahaa 1%.

Tobankan sano ee ugu danbeeyay ayaa wadankani qaaday talaabooyin lagu dardar galinayo curyaaminta CABISTA tubaakada iyadoo laga mamnuucay in lagu cabo meelaha ay dadwaynuhu ku kulmaan, xarumaha dawlada iyo ciidamada waxaana la mamnuucay in la xayaysiiyo tubaakada.

WHO oo warbixinteedan sii wada ayaa sheegtay in 2012 GUUD ahaan raga aduunka kunool ay wixii kawayn 15 jir 31.1% isticmaalaan CABISTA sigaarka halka 6.2 ay haweenku cabayeen.

Hayaada caafimaadka aduunka ayaa ku hambalyaysay wadankan guusha ay ka gaadheen xakamaynta CABISTAsigaarka kaasi oo faro baas ku haya caafimaadka dadka aduunka guudkiisa kunoo

Exit mobile version