Taariikhda iyo Muhimada Munaasibadan
Munaasibada xuska maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta kala duwan ee Itoobiya waa munaasibad sanadkii hal mar la qabto. Todoba sanadood oo hore ayaa lagu qabtay meelo kala duwan oo dalka Itoobiya ah, waxaana qabsoomideedu ay ku eegtahay bisha Hidaar29keeda oo ah bisha saddexaad ee sanadka Itoobiya . Tan haatan Jigjiga ka qabsoontayna waa xuskii sanadguurada 8aad ee munaasibadan. Munaasibadan waxay ujeedadeedu tahay sidii loo abuuri lahaa jawi isbarasho iyo isdhexgal ay yeeshaan isla markaana ay maarwalba soo cusboonaysiiyaan qoomiyadaha kala duwan ee Itoobiya. Sida la ogsoon yahay Itoobiya waa dal ballaadhan oo ka kooban qoomiyado kala duduwan oo aan ka yarayn 80 qoomiyadood isla markaana ku kala hadla luqado aan ka yarayn 80 kaasi.
Qabanqaabadii Xuska 8aad ee Munaasibada
Xuska sanadguurada 8aad ee munaasibadan oo ku beegnayd 29ka Hidaar ee sanadka 2006 ee taariikhda Itoobiya (taasi oo ku beegnayd 12ka December 20013) waxa qabashadeeda nasiib u yeelatay xukuumada deegaanka Somalida Itoobiya. Sanad ka hor markii la go’aamiyey in xuskaasi Jigjiga lagu qabto ayaa isla markiiba dawlada deegaanku ay bilawday inay hirgelinta munaasibadaasi u diyaar garawdo isla markaana ay munaasibadaasi ka dhigto mid u qabsoonta si nabada oo aad uga qurux badan munaasibadihii hore ee nooceeda ahaa. Dawlad deegaanku arrintaasi way ku guulaysatay oo wacdarana way ka muujisay isla markaana guul aan yarayn ayaa usoo hoyatay xukuumada deegaanka iyo shacabka deegaankaba. Aynu hoos ugu yara daadegno waxyaabihii suurogeliyay inay munaasabadu sidaasi quruxda badan u qabsoonto.
Iskaashiga Shacabka iyo Xukuumada Deegaanka Somalida Itoobiya
Xukuumada deegaanku bilawgiiba arrinta munaasibdan waxay u qaadatay siday tahay iyadoo fahamsan in masuuliyad wayn ay xambaartay maadaama munaasibadaasi ay isugu imanayaan marti kumanaan lagu qiyaasay isla markaana ay imanayaan madaxda waddanka iyo madaxda wadamada jaarku. isla markaana xukuumada deegaanku waxay samaysay ku talogal ama qorshihii hawshaasi lagu fulin lahaa, hadday tahay dhinaca xoojinta billicda magaalo madaxda deegaanka ee Jigjiga, hadday tahay diyaarintii guryihii ay degi lahaayeen martida kumanaanka ah ee dunida daafaheeda isooga imanaysaa, hadday tahay sooryadoodii, iyo hadday tahay nabadgelyadoodiiba. Waxa qorshahaasi ugu muhiim sanaa ka qaybgalka shacabka deegaanka Somalida Itoobiya. Xukuumada iyo shacabku waxay isla qaateen inay gacanta isqabsadaan oo markaasi ay masuuliyadaasi siday tahay uga soo baxaan. Ganacsatada deegaanka ayaa iyaguna kaalin libaax ka qaatay habsami u qabsoomida munaasibadaasi. Guushaasi usoo hoyatay xukuumada iyo shacabka deegaanka waxa ka markhaati kacay madaxdii munaasibada hadalada ka jeediyay.
Qabsoonkii Munaasabada
Munaasabadu waxay u qabsoontay si aad iyo aad u qurux badan. Waxa munaasibada furay saddexda masuul ee kala ah madaxweynaha xukuumada deekaanka Somalida Itoobiya mudane Cabdi MAxamuud Cumar, iyo duqa magaalada madaxda Jigjiga, iyo afhayeenka golaha federaalka Itoobiya oo ka xogwaramay qiimaha ay leedahay munaasibadani. Madaxwayanaha deegaanka ayaa si kooban uga hadlay horumarka uu gaadhay deegaanakeenu iyo sida xilkasnimada ah ee munaasibada ay usoo qabanqaabisay xukuumada deegaanka oo kaashanaysa shacabka deegaanka. Mudane Cabdi MAxamuud waxa uu tilmaamay in maanta ay farxad wayn u tahay xukuumada iyo shacabka deegaanka Somalida isla markaana ay dareemayaan maalin Dibucurasho.
Intaa kadib waxa wacdaro halkaasi kamuujiyay ciyaala iskuulka deegaanka Somalida Itoobiya. Ciyaala iskuulkaasi ayaa soo bandhigay cayaaro kala duwan oo in muddo ah ay kusoo tababarayeen khubaro kakala socda xafiisyo iyo wasaarado kala duwan. Caruurtaasi ciyaartoodii oo aad loola dhacay waxa cayaartooda u jiibinayay kooxda muusiqada ee ciidanka Qaranka Itoobiya.
Hadalkii Madaxweynaha Jamhuuriyada Jibuuti
Madaxdii halkaasi ka hadashay waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Jamhuuriyada Jibuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele. Ismaacil hadalkiisa wuxuu ku furay salaanta Muslimka waxaanu raaciyay kelmado luqada Ingiriisiga ah. Intaa kadib Ismaaciil khudbadiisa wuxuu u bedelay luqada Afsoomaaliga. Madaxweyene ISmaaciil wuxuu halkaasi kasoo jeediyay ereyo koob kooban laakiin runtii xambaarsanaa macno weyn maadaama uu yahay ruug cadaa Itoobiya aqoon badan u leh. Wuxuu tilmaamay in Itoobiyadii hore ee caddaadiska ku dhisnayd ay mar hore tagtay oo markaasi xukuumada Yahaadhig ay Itoobiya u horseeday horumar ku sallaysan rabitaanka qoomiyadaha kala duduwan ee waddanka. Wuxuu Ismaaciil khudbadiisa kusoo khatimay ereyo luqada Axmaariga ah oo uu Itoobiya ugu rajeeyey rayrayn iyo waaritaan.
Hadalkii Raysal Wasaaraha Itoobiya
Waxa waxwalba isku fuuqsatay khudbadii Raysal Wasaaraha waddanka Mudane Hayla-Maryam Dhasaalay oo dhinacyo badan taabatay. Waxaan khudbadaasi dheer ka xusi karnaa inuu aad ugu hambalyeeyay xukuumada iyo shacabka deegaanka Somalida sida quruxda badan ee ay usoo agaasimeen sanadguurada 8aad ee xuska maalinta qoomiyadaha Itoobiya. Raysal Wasaaruhu waxa uu tilmaamay in agaasinka munaasibadani aanay ka dhicin munaasibadihii lagu qaban jiray deegaanada kale ee waddanka lagana yaabo inay tahay mid ka qurux bdan kuwii hore. Waxa kale oo uu sheegay in dastuurka waddanka ee Yahaadhig ay hirgelisay inuu wadanka u horseeday sinaanta qoomiyadaha kala duduwan ee wadanka. Waxa uu sheegay in xukuumadan Yahaadhig ka hor in shacabka deegaanka Somalida Itoobiya loo arki jiray dad waddanka marti ku ah laakiin manta ay yihiin muwaadiniin buuxda oo waddanka horumarkiisa si buuxda kaalintoodii uga soo baxay. Mar labaad ayuu raysal wasaaruhu u mahadnaqay xukuumada iyo shacabka qoomiyada Soomaalida sida guusha ah ee ay munaasibadaasi u suurogeliyeen.
Intaa kadib waxa la bilaabay inay qoomiyad kasta oo Itoobiyaan ahi ay soo bandhigto cayaaraheeda iyo dhaqankeeda sidii ay caadadu ahayd munaasabadihii horeba.
Guntii iyo gabagabadii, waxaa manta oo Axada Jigjiga si diiran uga qabsoontay munaasibad Somalida deegaanka usoo hoysay guul wayn oo markaasi kor u qaaday meeqaamka deekaanka isla markaana midhaheeda la arki doono mustaqbalka dhaw Inshallah. Sidoo kale waxaan rajaynaynaa in farxada maanta deegaanka usoo korodhay iyo guushaba in aynala wadaagaan bulshawaynta Somaliyeed meelay ku nooshahayba.