WAJAALE NEWS

Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Ayaa Si Adag Uga Hadlay Hadalo Lafjab ku ah Qarannimada Somaliland oo Kasoo Yeedhay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

Hargaysa: (Wajaalenews)- Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland,ayaa si kulul u weeraray Suldaanka guud ee beelaha Somaliland,Suldaan Maxamed Suldaan Cabdi qaadir,oo uu sheegay inuu meel kaga dhacay qaranimadda Somaliland.

Suldaanka oo qoraal kooban ku baahiyay bartiisa Xidhiidhka Bulshadda Ee FACEBOOK-ga,ayaa sheegay in Suldaanku aanu xattaa is-taahilin in loo jawaabo,oo aanu hadalkiisu qiimo lahayn.

“Gefbay ku tahay Suldaanku Hubsimo la.aan Hadalkiisu Hawaawi Dhaco. Waa nasiib daro weyn oo khaas ku ah walaalkay suldan maxed suldan cqadir Oon Xadhigiisa ahay tiraabtan kasoo yeedhay ee lidka ku ah gobonimada iyo qaranimada jsland waa feker uu madi ku yahay shaqsiyeed oon cid ka dhageysanaysaa jirin in goaan umadeed oo masiiri ah gef uu kula dul kufo iyo riyo dhalanteeda oon cago ku taagnayn guud ahaan iskusoo wada xoori hadalkiisu waa hawo gabal ka dhac waa hadal ka jilicsan xuub caaro jawaabna u baahnayn isla mar ahaantaana kuba haboonayn in aynu wakhti isaga lumino ku mashquulo wax kasoo qaadno asaga laftiisaa og in aan xaajadasi dalkani oolin cid kula riyoonaysaana joogin ama ku uunayn Runta biyo kama dhibcaanka ahi tahay in qarankani siqiir iyo kabiir Raasamalka aynu haynaa yahay gobonimada eebe ku galaday gayigan ee dawladnimadaa aynu hadhsanayno hadaan murtiyeeyo waaqaca yaala dalkani waa soomaliland shaqsi riyoonaya hadal uu ku tiraabay waxba mayeeli karo masiirka umada haduu madaxweyne yahay iyo haduu suldaan yahayba goaan shacab rabitan umaded oon gorgortan lahaynbaa dalkani kaga badbaaday masaaibkaa somaliya bariidsaday waa dal shacabkiisu u tashaday ninkii aanu u cuntamayn waxa umadiisa u cuntamay isagaa cirka roob ku og. Gabogabo waxaan shacabka reer somali land kuboorinayaa inaanay damaqsan suldan maxedna waxaan leeyahay usoo noqo dalkaaga iyo dadkaaga xishmada kuu haya soo baydh oo raali galin ka bixi hadaladaa ibliisku kaa keenay Fiiro Gaara dadweynaha reer somali land waxaan kula dardaarmayaa inaan lasii wadwadin maadama aan qarankan doodi ka taagnayn oo dedaal iyo karti iyo ta alle aynu kusoo gaadhnay halka aynu joogno waajibna tahay inaynu kasii horu marino Waxaan hoosta ka xariiqayaa waa waajib in xaqa la sheego oon laga aamusin anigoo xishmad u haya guud ahaanba umada reer somali land hiilbay utahay qofka jarka ka dhacaya in khaladkiisa latuso sixidbay u tahay marka farta lagu fiiqo gefka umadeed ee uu faraha kula jiro si looga waantobo in si jilicsan loogu dhaco deelqaaf umadeed casharna u noqoto cid danbe oo ku kacda gef fal danbiyed ku ah umadiisa waxaan kusoo ururinayaa xadiiskii nabiga csw walaalkaa laba goorba u hiili haduu gar daranyay u hiili oo qabo hadii laga gar daranyayna u hiili oo garab joogso”.

Exit mobile version