Hargeysa(Wajaalenews) qiimaha Doolarka ayaa mar kale dib ugu noqday in boqolkii Dollar lagu sarrifo toddoba kun iyo sideed boqol oo shilling, halkaas oo laga soo celiyey kadib markii dhawaan Baanka Somaliland iyo Wasaaradda Maaliyadda oo ay weheliso wasaaradda Ganacsigu bilaabeen olole ka dhan ah Sicirka Doolarka.
Lama garanayo sababaha keenay in uu sicirkii Sarrifka Dollarku halkiisii ku noqdo muddo kooban gudaheed, hase yeeshee sababaha loo tirinayo inay keeneen ayaa wax aka mid ah qorshaha ay Baanka iyo Maaliyaddu ku galeen oo aan ahayn mid laga baaraan degay oo u badnaa Laab-la-kac iyo culayskii shacabka kaga yimi oo ay indhaha ka qarsan kari waaayeen, kadib markii uu xadka ka baxay isla markaana uu saameeyey maceeshadii daruuriga ahayd oo la iibsan kari waayey.
Sidoo kale, Baanka iyo Maaliyaddu waxay ku talaabsadeen qorshayaal u baahnaa in si weyn looga baaraan dego, gaar ahaan kuwii ku qotomay lacagaha lagu isticmaalo aaladaha Zaad-ka iyo E-Dahabka iyo waliba xawaaladaha shaqaalihii la dhoobay si ay qasab ugaga sarrifaan dadweynaha 30% lacaga loo soo dirro, talaabooyinkaas oo noqday kuwo uga sii daray arrinta isla markaana ay maareeyn kari waayeen inay maamulaan.
Waxyaabaha kale ee intaa sii dheer waxa ka mid ah lacagta Doolarka ah ee Baanku galiyey suuqyada oo shaki weyni ka taagan yahay marka horeba cida leh, taas oo aan la kala garanayn in uu lahaa Baanka Dhexe iyo in ay leeyihiin shirkaddaha Sarriflayaasha ah ee marka horeba lagala dagaalamayey suuqa, gaar ahaan shirkaddaha waaweyn ee loo tiriyo inay kaga awood weyn yihiin suuqa Baanka iyo Maaliyaddaba.
Dareenada kale ee dib usoo celiyey sicir bararka Doolarka ayaa sheegaya inay ka mid tahay madaxda Baanka oo loo sibir saaryo inay lug weyn ku leeyihiin macaashka buuran ee ay shirkadaha waaweyni ku rog rogaan sarrifka shilling somalilandka iyo lacaga qalaad, kuwaas oo xogaha soo baxayaa ay sheegayaan inay jiri karaan heshiisyo hoose oo u dhaxeeya madaxda shirkadahaas ee u xil saran sarrifka iyo madaxda Baanka qaarkood.
Inkasta oo aanay wali cadayn inay jiri karaan sababo kale oo aan wali soo shaac bixin, hadana waxa jira tuhuno sheegaya in baanku qaaday talaabada sababtay in sicirkii sarrifku cirka isku shareero oo uu halkiisii ku soo noqdo, kuwaas oo ay ka mid yihiin amaro ka yimi madaxda Baanka oo lagu joojiyey lacagtii adkayd ee uu ku sii dayn jiray Suuqa.
Dhacdooyinka aadka loo tilmaamay in uu Baanku boqnaha ku gooyey qorshihii suuqa lagu galin jiray lacagta adag wax aka mid ah sarriflayaashii uu liisanka siiyey ee uu lacagaha u dhiibi jiray oo laga joojiyey lacagtii adkayd kadib markii shirkaddaha waaweyn ee xuurtada ku haysta baanka oo nidaamkaas diiday ay culays ku saareen in lacagahaas laga joojiyo sarriflayaasha Liisanka qaatay, kuwaas oo markii ugu horaysay Baanku ka qayb galiyey lacaga uu suuqa galiyo.
Si kasta ha ahaatee qorshe xumida hay’addaha Xukuumadda ee u xil saaraan sarifka iyo koboca dhaqaale ee Dalka ayaa loo aanaynayaa inay ku dhex milmeen ganacsatada macaash doonka ah ee aan u tudhayn qiimaha uu shilling ka Somaliland Dalkiisa iyo dadkiisaba ku leeyahay, waxaana loo baahan yahay in laga waantoobo wax ka qabasho la’aanta sicirka bararka shilling ka Somaliland.