WAJAALE NEWS

Sheeko Xiiso Badan; (Dadka Dadka Qaba Oo Kaliya Ayaan Ugu Talagalay) Q.A,Midnimo

Habeenkaa markaan gurgayga soo galay, xaaskaygu waxay ii soo dhigtay casho, gacanta ayaan aayar qabtay waxaan ku idhi, waxaan rabaa inaan wax kuu sheego, aayar ayay fadhiisatay iyada oo foorarta, waan eegay waxaan garan wayay si aan wax ugu sheego, lakin ugu danbaytii waxaan ku idhi waxaan rabaa inaan ku furo (Kalatagno), kamay xanaaqin hadalkaygayga waxa kaliya oo ay si dagan oo qabow ii waydiisay waayo?. Aniguna ma rabin inaan mawdduuca sii wado waan iska dhaqaaqay.

Habeenkaa maanu wada hadal. Aad ayay u war wartay waanay jeclayd inay ogaato waxa ku dhacay guurkayagii, lakin Jawaab umaan hayn waayo waxa aan jeclaaday Maryam oo aanu meel ka wada shaqayno.

Anigoo dareemaya inaan khalad wayn ku jiro ayaan soo qoray waraaq aan ku sheegay inay guriga iyo gaadhiga iyadu qaadato iyo waliba 30% hantidayda. Way jeex jeexday iyada oo ilamaynaysa, gabadhii 10 sano xaaskayga ahayd imika waxaanu kala noqonay laba qof oo ajaanib ah, aad ayaan uga xumahay wakhtiga aan kaga ciyaaray, lakin kama noqon karo balanka iyo jacaylka Maryam naga dhexeeya oo aanu xafiis ka wada shaqayno. Ugu danbayntii hortayda ayay ku oyday iyada oo aad u qayl yaysa markaas ayay ii cadaatay wixii aan rabay oo furiin ahaa.

Habeenkii danbe guriga waxaan imid xili danbe, waxaan arkay iyada oo miiska fadhida oo wax qoraysa si toosa ayaan u dhaafay wanan seexday waxaan soo baraarugay iyadoo wali qoraysa lamaan hadale hurdadaydii ayaan iskaga noqday

Aroortii waxay ii akhriday shuruudo ay ku xidhay furiinkayaga, waxba igamay rabin lakin waxay iga codsatay inaanu hal bil sii wada joogno, halkaa bilna sidii cadiga ahayd u wada noolaano, shuruuda sababteedu way iska cadayd wiilkayga ayaa final examkii school ka fadhiisanayay may rabin inay dhibtayadu saamayso.

Hal shuruud oo kale ayaa ku jirtay waxay ahayd inaan aroor walba qaado qolkeeda ilaa albaabka dibada waa toban talaabo, waxay ila noqotay inay waalatay lakin mar haday tahay malimihii u danbeeyay ee noloshayda waan ogolaaday.

 

Maryam markii aan u sheegay shuruuda furiinkayga aad ayay u qososhay, waxaanay igu tidhi si kastaba ha ahaatee waa inaad furtaa.

Aroortii koobaad markaan soo qaaday xaaskayga, labadayaduba waanu aamusnayn, hal mar ayaan maqlay sacab, waa wiilkaygii oo leh “aabo oo hooyo sida”, hadalka wiilkaygu qalbiga ayuu I xanuujiyay aroortaas, Iyada oo indhaha isku haysa oo murugo ka muuqato ayay cod aad u heeseeya igu tidhi yaanu wiilkeenu ogaanin qisadeena mudaadaa bisha ah, haye ayaan idhi aniguna kaabada guriga ayaan dhigay waanan iska shaqo tagay.

Aroortii labaad ayaan soo qaaday, wajigeeda ayaan eegay waxaan ogaaday inaanan gabadhan mudo sidan u eegin, waxay noqotay qof wayn, wajigeedii wuu isku soo uruuray intii aan siday waxaan is waydiinayay waxa aan ku sameeyay qofkan.

Aroortii afaraad waxaan dareemayay isku soo dhawaanshiyo, qofkani waa qofkii nolosheeda oo dhan isiisay, aroortii shanaad iyo tii lixaad waxaan dareemayay sidoo kale in isku soo dhawaanshahayagu sii xoogaysanayo. Malinba malinta ka danbaysaana way ii sii fududaanaysay inaan qaadaa, waxaan is waydiinayay tolow ma shaqadan malin walba ah ayaa xoog iiyeeshay.

Aroor arooraha kamida waxay kala dooranaysa dharkay xidhanaysay, mid walba way dhigtaa iyada oo aad u diiqadaysan ayay tidhi dharkiiba way iga wada waynaadeen, markaas ayaan garowsaday in war warka iyo xanunka xidhiidhkayaga sii kala fogaanayaa uu ka dhigay qof dhuuban ayna tahay sababta aan sida fudud aroor walba ugu qaadaa aniga oo fikiraya oon is ogayn ayaan madaxeeda taabtay.

Aroortan waxa soo galay wiilkayga oo leh, aabo waxaa lagaadhay xiligii aad hooyo qaadi jirtay, tani waxay noqotay qayb kamida noloshiisa oo uu aroor walba arko, wuu u soo dhawaaday hab ayay siisay si xoog ahna way ugu dhagtay, aniguna waan ka jeedsaday waayo waxaan ka baqay inaan fikirkaygii badalo. Sidii caadada ahayd waan soo qaday aroortaa, gacanteeda qoortayda ayay ku haysatay, lakin waxa aan aad uga xumaa miisaankeeda sida aadka ah hoos ugu dhacay,

Aroortii u danbaysay markaan gacantayda kusoo qaaday aad ayaan ugu dhagay waxaanan ku idhi maan ogayn inay nolosheena ka maqnayd isku soo dhawaanshiyo,. Sid dag daga ayaan gaadhiga u kaxaystay aroortaa waxaanan u tagay Maryam, isla markii aan ugu galay xafiiskedana waxaan u sheegay inaanan furi Karin xaaskayga, fikirkii horena aan ka noqday oo uu qalad ahaa, way iga jeedsatay iyada oo aad u cadhaysan indhaheeduna ilmaynayaan

Aniga oo aad u faraxsan oo udag daga inaan xaaskayga ku noqdo oo u sheego isbadalka igu dhacay ayaan soo maray meesha ubaxa lagu iibiyo, gabadhii ubaxa iibinaysay ayaa I waydiisay maxaan ku qoraa warqada ubaxa la raciyo, waan qoslay waxaanan ku qoray “aroorwalba waan ku qaadayaa ilaa geeridu inakala gayso”

Galabtaa waxaan imid anigoo gacanta u bax ku sita, dhoola cadaynaya, faraxsan, waxaan usoo dag dagayay qolkeeda, lakin waxaan arkay wuxuu noqday xaaskaygii oo sariirta taala oo sacado ka hor geeriyootay.

Gabadhaydu waxa hayay Cancel sanadadiii u danbeeyay, aniguna maan ogayn waayo dadkale ayaan mashquul ku ahaa, runtii way ogayd inay geerideedu soo dhowdahay, manay rabin in wiilkayagu uu arko dhibta aabihii hooyadii u gaysanayo.

Waxaan noqday nin xun oo helay xaaskii aduunka ugu fiicnayd.

Udeedka sheekadu waa. noloshu maaha guriga, gaadhiga, lacagta iyo wixii lamida, ee waa nolol caawiyayaal, sirtu waa inaad lamaanahaaga saaxiibkadhigato waxa kale iyagaa iska iman markaa.

Thanks

Turjumaadii A. midnimo

Submitted By: Nicole Cauley

 

Exit mobile version