WAJAALE NEWS

Maxaa Sharciga Loogu Kala Bixi Waayaa Ee Dhexdhexaadinta Guurtida Loogu Kala Baxaa?..Q..2aad, W/Q: Cali Cabdi Coomay.

Horaantii sannadkii 2010-kii ayuu Golaha Guurtida dhexdeeda soo galay daadkii khilaafka siyaasadeed, waxaana Golaha Dhexdiisa ka dhacay

Afeef:

Marna kama soo horjeedo dhexdhexaadinta Golaha Guurtidu ku dhameeyaan khilaafyada siyaasadeed ee dalka ka curto goor kasta iyo goob walba, balse waxa dhiiga inaga yareeyey oo wadnaha ina haya in mar kasta dhexdhexaadint lagu kala baxo, intay ina wadaysaa dhexdhexaadinta uu ilaahay (SWC) inooga sakhiray Golahan Guurtida?Markaa maxaa loo qiimo tirayaa  distoorkii dalka iyo sharciyadii xisbiyadu dhexdooda u yaalay ee ay ku kala baxayeen?, maxaa sharciga loo qortay haddii aanu qabanayn kii khaldma?, una hiilinayn kii toosnaa?, goormaa se laga bixi dhexdhexaadinta Guurtida? Waa weydiimo u yaala bulshada Soomaalilaan, si jawaab waafi ah loogu helo.

·         Horaantii sannadkii 2010-kii ayuu Golaha Guurtida dhexdeeda soo galay daadkii khilaafka siyaasadeed, waxaana

Golaha Dhexdiisa ka dhacay khilaaf-siyaasadeed oo ku aroora isku shaandhayn uu shirguddoonka Goluhu ku sameeyey guddiga joogta ah ee Goalaha Guurtid. Sidii dhaqanka ahayd waxa ay u saareen guddi dhexdooda ah oo arrintaasi xalisa. Guddigii waxa ay soo saareen laba qodob oo xal looga dhigay khilaafka, kuwaasi oo nuxurkoodu ahaa: kow, in aan labada guddi joogto, waa hore iyo ta cusub aanay midna sharci ahay, oo lalaalay. Laba, in shirguddoonku soo sameeyo isku shaandhaynta guddiyada joogtada ah oo la soo hordhigo Golaha si loo ansixiyo. Waa laba qodob oo maslaxada guud ka fadhiya, balse aan shacri qoran raacayn.

·         Dabayaaqadii sannadkii 2013-kii wuxuu khilaaf xoogani soo kala dhexgalay shirguddoonka Golaha Wakiilada, gaar ahaan guddoomiye Cirro iyo Guddoomiye ku xigeenka Baashe. Khilaafkaasi ayaa ku saabsanaa arrimo dhinaca hogaaminta Golaha oo muddo soo jiidatamayey. Xitaa murankaasi wuxuu gaadhay Maxkamada Sare inkasta oo aanay dacwada bilaabay. Iyada oo aanay toos Guurtidu u kala dhexgalan oo muddo dheer ay fiintu ka dhex miranaysa, ayey hal mar ka soo wada qaybgaleen kulankii Baarlamaanka iyadoo oo kalba mid guddoominaayey Golaha. Dad badan ayey fajac iyo yaab ku noqotay goorta iyo halkay ku heshiiyeen, laakiin markii dambe waxa ay saxaafadda qaarkeed qortay in si hoore loo heshiisiiyey. Waxaana lagu dhexdhexaadiyey in ay maslaxada Guud ee qaranka ka shaqeeyaan. Waxaana meesha ka muuqata in midkood tansaasul muujiyey, sidaasina ay ku soo af-jarantay khilaafkoodu. Waa la nooc tii hore ee aynu soo sheegnay ee Golaha Guurtidu ku kala saari jireen khilaafka siyaasada. Markaad u kuurgasho khilaafyada soo noq-noqanaya, ee dalka ka curtay beryahan dambe, waxa kuu soo baxayna halkay sartu ka qudhuntay ee ay tahay in boogaha laga dhayo, in ay tahay in aan sharciga lagu kala bixi, waana ta soo celcelinaysa khilaafka. cid kastaa waxa ay aamintay xeer-jajabkan lagu kala baxayo.

·         Sannadkan 2015-ka horaantiisii waa kii Golaha Guurtidu muddo kordhin u sameeyey xukuumada Soomaalilaan, taasina waxa ay keentay diido kaga timid xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADDANI. Khilaafkii ka bilaabmay muddo-kordhinta Goluhu wuxuu keenay in ay shir wada yeeshaan saddexda xisbi, waxaana ka soo baxay shirkaasi laba qodob oo nuxurkoodu noqonayo, kow, in ay ixtiraamayaan muddo-kordhintii Golaha Guurtida. Laba, in ay doorashadu dhacdo Bisha Diisambar  sannadka 2016-ka, halka ay Guurtidu hore u go’aamisay in ay doorashadu dhacdo horaanta sannadka 2017-ka.  Khilaafkaasi oo halkaasi maraya ayaa loo gudbiyey maxkamada sare taasina waxa ay tafsiir ku samaysay sharcinada heshiiska saddexda xisbi, aakhirkiina waxa ay laashay heshiiskii saddexda xisbi, waxa aanay sharci ku tilmaamtay muddo-kordhintii Golaha Guurtida.

·         Bishan aynu ku jirno ee Sebtambar waxa ay Golaha Wakiiladu cod ku laaleen in Haamaha Kaydka shidaalka Berbera cid gaar ah lagu wareejiyo. Arrintaasina waxa sida fiinta uga qaylyey xukuumada, kuna dooday in sharcigu siinayo in Haamaha la wareejin karo, siday xukuumadu ka sheegtay warbaahinta. Kulan kale oo ay yeesheen Golaha Wakiiladu ayaa laga akhriyey dhawr iyo soddan xildhilbaan oo soo jeediyey in dib loogu noqdo arrintiii laalista Haamaha keydka Shidaalka Berbera, arrintaasi ayey xubnihii shirguddoonku isku af-garan waayeyn taasina waxa ay keentay in gacan-ka-hadal ka dhaco golaha wakiilada dhexdiisa. Arrintaasi ka dib waxa dhexdhexaadin bilaabay Golaha Guurtida oo doonayey in ay sidii hore ugu kala saaraan isu-tanaasul iyo masalaxd guud.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

Exit mobile version