Hargeisa(wajaalenews)-Odaygu waa reer mii waligii muu tukan salad ciideed maalin danbe ayuu yimid magaalada isagoo ay dani ka soo gashay.
Odaygu markuu dantiisii dhamaystay muu noqone mudo danbe ayuu iska sii joogay magaaladii isagoo nabad qabiskaga jooga magaalada oo la qabsaday magaaladii iyo dadkii joogay oo la is wada bartay oo odaygii can ka noqday intii xaafada agteeda iyo intii suuqiisa ahaydba.
Jaamac waa odayga laftiisee ha gaadho maalin ciida ama ciidi ha u soo gasho ninkii jaamac xaafadii iyo dadkii reerka muu raacine ha iska tago meel kale oo lagu tukanayo ileyn ma halaabayoo waa nin magaalada kala bartaye meel kale ayuu ku soo tukaday.
Jaamac waxaa ku dhacday arin uu la yaabay oo maskaxdiisa ka waynaatay cid uu waydiiyana meeshii uu ka waayey laakiin waa iska yimid markii salaadii laga baxay ayaa salaadii ciida laga sheekaystay halkii makhaayad uu yimi ninkii jaamac ayaa intuu soo booday yidhi waar iska aamusa anagaa saaka ilaahay wax na tusaye.
Waa la soo wada eegay maxaad aragtay?……………… KOW waar sowtii Sheekhii na tujinayey salaadii u qabsami wayday!!!…….kk Ee uu sagaal jeer ku cel celiyey ALAAHU AKBAR………….. ALAAHU AKBAR… ………ALAAHU AKBAR Ee aniga iyo dadkii yaabeen!! …….. Haye goor danbe ayey u xidhantay ………. Hadana sidii si leeg ayaa nagu dhacday ragcadii labaad inkastooy tii labaad ayna sidii tii hore noo dafirin hadan dhawr jeer ayuu ku cel celiyey oo iyadna goor danbe ayey qabtastay oo ay noo xidhantay…….. tallow sheekha maxaa ka si ahaa waar wayba qabsan waydaba.
Ninkani waxa uu hore u maqlay Salaada waa la xidhaa…………… marka xidhashada ayuu u haystay in meel ay salaadu qabsato oo ay ku xidhato saakana sheekhii ay u xidhmi wayday.
Hargeisa Office
Wariye Abuu Maxfuud.