WAJAALE NEWS

Shalay Wuxuu Ahaa Wiil Yar Oo Qaxoonti Ah, Maantana Waa Wasiir…War Bixin

Valentino Achak Deng “wiilkii lumay” waxa uu ahaa cunug yar, oo cabsi badan, kaas oo markii uu yaraa bilooyin ka carayay dagaaladii soo maray dalka hadda loo yaqaano South Sudan, si dirqi ah ayuuna uga baxsaday.

Waxa uu ku soo noolaaday xeryo qaxooti oo ku yaala dalalka Itoobiya iyo Kenya, waxa uuna xilligaa helay waxbarashadii ka luntay intii uu ka cararay dagaaladda, kahor inta uusan ugu dambeyn dib u dajin uga helin dalka Maraykanka.

 

Taariikhda Mr Deng, waxaa laga qoray buug ciwaankiisu yahay, What is the What (Maxaa maxay tahay) waxaana qoray qoraaga la yiraahdo Dave Eggers.

Mr Deng, waxa uu noqday wasiirka waxbarashada waqooyiga Bahr el-Ghazal, oo ah gobal mid ka mid ah tobanka gobal ee dalka South Sudan, taas oo xoriyadeeda ka qaadatay dalka Sudan bishii July sanadkii 2011-kii.

Mr Deng, ayaa sheegaya in lama filaan ay ku noqotay xilka loo magacaabay, laakiin xaqiiqdii waa wiil aan waxba aheyn oo hadda noqday wasiir xiran dhar aad u qurux badan.

“Haddii qofka wanaag iyo niyadsami ay ku jirto, wax walba oo wanaagsan waa uu heli karaa,” ayuu yiri Mr Deng.

Waxa uu sheegay in casharka ay nolashu bartay uu yahay in dadka mar walba ay wax baran karaan, si kasta oo ay xaaladdooda u adagtahay, isla markaana ay kori karaan.

Mr Deng ayaa himilo ballaaran u haya caruurta hoos yimaada, waxa uuna sheegay inuu ugu filan yahay tusaale, oo wax walba ay suuragal yihiin.

“Waxaa cajiib ah in aad aragto caruur dhibaato badan soo martay, haddana qoslaya oo ka gaaray nolosha guulo.” ayuu yiri Mr Deng.

Mr Deng ayaa sheegay in qiimaha maciishadda ay sare u kacday oo macalimiinta aanay ku filneyn mushaaraadka ay qaataan, ardeydana gaajo darteed ay iskuuladda la’aadi la’ yihiin.

Dalal badan oo ku yaala gobolka, sida Rwanda, Uganda iyo Ethiopia waxa ay ka soo kabteen dagaaladii ay soo mareen, Mr Deng waxaa ka dhaadhacsan in dalkiisa uu sidoo kale ka tallaabi karo caqabadahaasi.

 

Exit mobile version