WAJAALE NEWS

Pual Pogba Iyo Arturo Vidal Waa iib Haddii Ay Iyagu Dalbadaan Agaasimaha Juventus Ee Giuseppe Marotta.

Hargiesa(wajaalenews) kooxda Juventus ee dalka Italy ka dhisan ayaa ku sheegtay in labada laacib ee Pual Pogba iyo Arturo Vidal inaanay iska iibin doonin hadii ayna ciyaartoyada laftooda ayna dooran in ay ka tagaan kooxda sidaana waxaa sheegay agaasimaha juventus ee Giusoppe Marotta.

Tan iyo xagaagii ayaa lala xidhiidhinaayey kooxo badan oo ka dhisan qaaradan Yurub in ay tagayaan oo iyaguna si weyn u doonayey iyadoo kooxda juventus ay ka tageen labada laacib ee Carlos Tevez iyo Andrea Pirlo oo labadooduba ahaa laf dhabarta kooxda ayaa waxaa ku adkaanaysa in ay maantana fasaxdo labadan laacib oo laga yaabo hadii ay ka tagaan in kooxda ay soo gaadho dhabar jab weyni.

Juventus ayaa sanadkan timi finalka koobka kooxaha qaarada yurub iyadoo aan in mudo ah ku soo dhawaan in ay timaado fianal hadana iyadoo ay kooxdu ogtahay in hadii ay dhacdo in ay fasaxaan ay la kulmi karaan khasaare badan oo ay ka tagaan hal mar 4 laacib oo line up ah ay ku adkaan karto ciyaartoyada cusub ee la keenaa sidii ay ula qabsan lahaayeen sidii ay kuwii hore iskula haysteen.

Si kastoo ay tahay ayaa hadana waxaa adag in aad celiso ciyaar yahan aan doonayn kooxda oo aan niyad u haynin in uu kula sii joogo oo mar walba ay ka wanaagsan tahay in ciyaar yahanku uu ku faraxsan yaahay ama uu ku qanacsan yaahay kooxda uu joogo waana ta keentay in uu ka hadlo agaasimaha kooxda oo uu yidhaa anagu diyaar uma nihin in aanu fasaxno laakiin hadii ay iyaga ka soo go’do waanu fasaxi doonaa laakiin mark hore iyaga ayaa go’aanka iska leh.

Kooxaha aadka u doonaya ee lala xidhiidhinaayo labadan ciyaaryahan ayaa aad u faro badan laakiin marka la eego kuwa ugu horeeya waa labada kooxood oo ka dhisan dalka Spain iyo laba ka dhisan dalka England labada kooxood ee Barcelona Real Madrid waxa ay isku haystaan pogba halka labada kooxood ee kale ee kala ah Manchester united iyo Arsenal na ay doonayaa vidal iyadoo waliba ay ku horeyso rabitaankeeda kooxda Arsenal.

 

Hargeisa Office

Wariye Maxamed Cali

Exit mobile version