WAJAALE NEWS

Maxkamad ku Taal dalka Iraaq Oo 24 Qof Xukuntay Dil Deldelaad ah

Baghdad(Wajaalenews) Maxkamad ku taalla dalka Ciraaq ayaa maanta waxay dil daldalaad ah ku xukuntay 24 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen kooxo jihad-doon ah oo xasuuqay askar Shiica u badneyd.

Dagaal yahaniinta daacish ayaa waxa ay dileen boqollaal askeri oo ku sugnaa xerada ciimada ee Speicher, taas oo ku dhow magaalada Tikrit, bishii June ee sanadkii la soo dhaafay. Waxana wararka qaar sheegayaan in halkaasi lagu diley illaa 1700 oo qof Iyagoo Daacish fiidiyow ka duubtay sidoo kalena sawirro ka qaaday markii ay dilayeen askartaasi.

Dhinaca kalena Tani iyo markii ciidamada Ciraaq ay dib u qabsadeen magaalada Tikrit, horraantii sanadkan, boqollaal maydad ah ayaa laga soo saaray xabaal wadareedyo.

 

Exit mobile version