WAJAALE NEWS

Mahad Naq – Xukumadana Ilaahay Ha Garansiiyo.

Hargeisa(wajaalenews)- Maxammed Cali Sheekh Cumar waa siyaasi da’ yar waana Muwaadinkii timaha ula baxay xukumada maanta talada dalka haysata ee balan qaaday in aanu xiirayn inta ay dalka haystaan Ayaxani waa sida uu hadalka u dhigee ayaa na soo gaadhsiiyey maqaal mahad naq ah waxaanu u qornaa sidan.

Asalaamu calaykum ramadaan kariim meel kastoo aad joogtan umada muslimiinta ah gaar ahaan inta afka soomaaliga ku hadasha ilaahay ha inaga aqbalo soonka, salaada iyo sadaqaddaba………. Aamiin Aamiin  Insha Alla.

Bacda salaam waxaan halka marka koowaad ugu mahad naqayaa Ilaahay isaga ayey mahadi u sugnaatay waxaan kale oo aan u mahad naqayaa qof kasta oo damiir leh oo garaad leh oo muwaadin ah oo garanaya waxa xun iyo waxa wanaagsan ee waliba isaga samaynaya wanaaga ama inta samaynaysa jecel.

Hadaad wanaag samyn kari waydo laakiin dadka wanaaga sameeya aad jeclaato ogo wali iimaanbaa kugu jiree laakiin markaad wanaag samayn waydo inta wanaag samaysa aad dhibsato ama aad ka xanaaqdo waxaad ogaataa in maalintaas aad tahay bilaa iimaan mar hadii aad xumaanta ku farxayso oo wanaagu ku dhibayo khalaas ayaad tahay.

Waxaa maalin dhawayd geeryooday Askari ka tirsan Ciidanka Nabad Galayada Wadooyinka oo magaciisa la odhan jiray Ibraahim Faarax Diiriye (kalabaydh) oo ahaa shakhsi hawl kar ah oo ka adag shaqadiisa oo waliba labiska sida uu u qaato iyo sida uu calaamadaha u bixinaayo aan marna ka caajisin, waxa uu ahaa ilaahay naxariistii jano ha ugu deeqee hormood.

Ibraahim muu ahayn nooca dadka ku baadha shaadhka ee kaga shaqaysta ee waxa uu ahaa dadka shaadhka ugu shaqeeya shacbigooda una shaqeeya sida uu sharcigu yahay walaahi ninkaasi cid uu yahay ilaa hada ma garanaayo laakiin waxaan ku bartay bartaa uu taagan yahay ee laamida duhurka cad isagoo taagan ayaad arki jirtay ilaahay naxariistii jano ha ugu deeqo.

Waxba yaanan hadalka ku sii fogaane waxaa dhacaday in koox dhalinyaro ahi ay doraad galab gundoonsiyey Qoyskii uu Marxuumku ka baxay Lacag iyo Raashin Walaahi markaan arkay waan farxay waliba in ka badan inta reerka la siiyey ay farxeen, waayo waxa aynu u baahanahay shaqsiyaadka noocan oo kale ah in aynu dhiiri galino oo ifka iyo aakhiraba wax u tarno.

Ifka iyo aakhiraba wax waynu is tari karnaa ifkana waxa aynu hayno aynu is tarno akhirana qofku markuu dhinto aynu isu soo ducayno oo Ilaahay aynu danbi dhaaf isu waydiino walaahi inta ay wali inagu jiraan dad damiir lihi waynu roonahay kooxdaa dhalinyarada ah ee is xilqaantay ee uu ugu horeeyo wiilkaa dibada jooga ilaahay waxaan idinka baryaayaa waa bil Ramadaane in Ilaahay idiin galiyo meel ka khayr badan.

Waxaa kale oo aan idin leeyahay damiirka aad ku garateen qofkiina wanaagsan ee idiin shaqaynayey wax tara ilaahay damiirkaana ha idiin siyaadiyo madaxdeena iyo xukumada manta joogtana ee dadka sida fiican u aasi taqaanana waaxaan leeyaahy ilahay ha idin garan siiyo waxa ay garteen dhalinyaradaa yar yar…………….. Aamiin Aamiin Insha Alla.

 

Mohammad Ali Sheikh Omar

Mataan448@gmial.com.

Hargeisa Office.

 

 

 

 

Exit mobile version