WAJAALE NEWS

Madaxweyne Obama oo Ethiopia u soo jeediyey ilaalinta Xoriyada Saxaafada

Addis Ababa (Wajaalenews)Madaxweyne Obama oo haatan ku sugan dalka Ethiopia, ayaa shir jaraa’id oo ay wada qabteen Ra’isal wasaare Haile Dselem, waxa uu ugu horrayn ku sheegay

inay Ethiopia wax badan oo horumar ah samaysay, balse haddana ay jiraan meelo loo baahan yahay in si weyn wax looga beddelaa.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa masuuliyiinta Itoobiya xusuusiyey in ay la yimaadaan dabcsanaan siyaasadeed taas oo uu ku sheegay in ay xoojin karto Itoobiya. Waxaa uu hogaamiyaha Maraykanku xusay in xisbiga talada hayaa uu haysto taageero badan, sidaa darteed xoriyada saxaafada iyo mucaaradku ay sii adkeyn karto taageerada xisbiga talada haya.

Sida xukuumada Itoobiya ula dhaqanto kooxaha mucaaradka ah iyo saaxafada xorta ah ayaa soo jiidatay dhaleecaynta wadamada reer Galbeedka ah oo uu Maraykanku ugu horeeyo.

Obama ayaa shirka jaraa’iid kaga aamanay Itoobiya iyo kaalinka ay kaga jirto la dagaalanka Alshabaab. Waxa uu sheegay in aan loo baahnayn ciidamado Marayknk ah maadama kuwa AMISOM ay shaqo fiican hayaan.

Ra’isulwasaare Itoobiya, Hailemaraim, ayaa dhankiisa ka sheegay in dimuqraadiyada Itoobiya tahay mid curdin ah isaga oo qiray in ay wali u baahan tahay in ay qaan gaadho. Waxaa uu sheegay in Itoobiya iyo Maraykanku ku kala duwan yihiin xawliga oo nidaamka dimuqraadigi ahi ku socdo. Ra’isulwasaraha ayaa sheegay in dalku u baahan yahay saaxafad anshax leh oo aan xidhiidh la lahayn kooxaha qaska wada.

Obama ayaa sheegay in Maraykanku taageerayo dadaalka Itoobiya shacabkeeda kaga saareyso faqriga isaga oo aamanay dawlada laakiin xusuusiyey in shaqo badan wali qabyo tahay.

Xubno mucaaradka dlka ka mid ah ayaa dhaliilay booqashada Obama oo ay ku tilmaameen mid ayideysa siyaasada dawlada ee takooreysa mucaaradka islamarkaana xakameyneysa xoriyada hadalka iyo saaxafada.

Madaxweynaha ayaa Maanta ka qudbadeyn doona xarunta Midowga Afrika halkaas oo uu kula kulmi doono Gudoomiyaha ururka si uu ugala xaajoodo xidhiidhka qaarada iyo Maraykanka.

 

Exit mobile version