AsalaamuCalaykumWaraxmatulaah,
WaxaanSalaan iyo hambalyo u dirayaa dhamaan bulshada Somaliland meel-kasta oo ay joogaan, Salaan qiimo badanka dib waxaa maanta ii qorshaysan in aan safarkooban ugu baxo dalka gudihiisa aniga oo ka warhelaya una kuurgalaya mashariic horumarineed ooka socota meelo badan.
Indhawayd waxaa dhegahayga ku soo dhacayay mucaaradk aoo kahadlaya arimaha doorashooyinka, qaarku hanjabaya inay qarankan burburinayaan iyo qaarka hadlaya go’aankii guurtida ee ay dhawaan mudada ugu kordhiyeen,golayaashaqaranka ee dastuuriga ah.
Arimah aDoorashooyinka waxaan leeyahay anagu waanu diyaarinay wax kasta oo ay doorashooyinku u baahnaayeen, haday tahay dhaqaale, Xeerar, Komishinkii maamulayey,dhamaanwaanaga diyaar,waxa keliya ee hadhsani waa Xeerka golaha wakiilada oo laga sugayo Gudoomiyaha golaha wakiilada. Wax kasta oo khuseeya maamulida arimaha doorashooyinka waxaa iska leh Komishinka doorashooyinka waana ku ixtiraamaynaa,waana ka sugaynaa ee dhamaanteenaan la shaqayno marka ay diyaariyaana qofkii danaynayaa ha usoodiyaargarowbo garoonka doorashada.
Go’aankaGuurtidu waa sharci, waanad astuuri,waxaana layaab leh in gudoomiyeC/raxmaanCiro yidhaahdo waa sharci daro, waxaana la wada ogyahay in uu isagu ku fadhiyo korodh siimada guurtida, kuna fadhiyey 5 sanadood oo hore. Waxaa muuqata in uu GudoomiyeCiro leeyahay kursiga aan ku fadhiyaana waa xaraan ka uu ku fadhiyaan waaxallaaliyad oo guurtiduno owada kordhisay balses hacabku indhahooda way qabaan oo dhegahooda way qabaan waxaanamuuqata in hogaamiyayaasha mucaaradku kalakorran yihiin,dhawaaqyada ka soo baxayaana ay muujinayaan in ay qaarkood ku deg degayaan hadalo dhiifleh oo niyadjabku ah shacbiga iyo jiritaankaqaranimada Somaliland.Sharciguna maaha wax qofku sida uu jecelyahay u turjunto ee waa sharci dalku leeyahay oo dadka ka dhexeeya.
Wixii ay xisbiyadu ku heshiiyeen ee madaxweyne-xigeenku ku dhex-joogay waxay ahayd heshiis ah maslax siyaasadeed waana u hogaansanahay,waana ixtiraamaynaa kaman aaanu bixin balse,weli lama sharciyeyn waxaana aanu leenahay aynu sharciyayno,oo guurtida ka dhiraan dhirino.
Dawladaydu waasharci, way jirtaa waanay,jiridoontaa waxaana xilka igalawareegidoona dawlad la soo doortay oo sharci ku timaada.Dalkana masuuliyadiisu anagayna saaran tahay, Cidkasta oo sharciga gudub marta oo iska indhatirta waxaanu ka qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan oo aanay mahadin doonin cawaaqibkeeda.
Waxaan bulshada Somaliland kula dardaarmayaa isku duubnida, illaalinta nabadgelyad aiyo inay gacmaha isu,qabsadaan,horumarka dalka.