WAJAALE NEWS

Liiska 20 Kooxood Ee Aduunka Ugu Lacagta Badan Iyo Sida Ay u Kala Horeyaan.

Hargeisa(wajaalenews)-Liiska 20 kooxood ee aduunka ugu lacagta badan oo ay soo saartay Forbes oo qiimayn ku samaysa arimaha dhaqaalaha aduunka ayaa soo saartay qiimayntii ugu danbaysay ee kooxaha aduunka ugu qiimaha badan, waxaana booskeeda kowaad sii xejisatay kooxda Real Madrid oo sanadkii saddexaad oo xidhiidh ah qiimayntan kaga jirta kaalinta ugu saraysa.

Real  Madrid ayaa qiimaynta Forbes ee dhaqaalaha kaalinta kowaad kaga jirtay tan iyo sanadkii 2013 kii markaas oo ay kaalinta kowaad kala baxday kooxda Machester United. Hantida Real madrid ayaa lagu qiimeeyay 2.87 billion Yuro, waxayna Real Madrid wax yar ka saraysaa kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Barcelona.

Barcelona oo qiimayntan kooxaha kubbada cagta kaalinta labaad kaga jirta ayaa hantideeda lagu sheegay inay tahay 2.78 bilyan yuro.Barcelona ayaa lacagtii abid ugu badnayd ee ay koox kubbada cagta ahi hesho soo gashay sanadkan ugu danbeeyay oo ay ku guulaysatay saddexdii koob ee ay u tartamaysay.

 

 

Kooxda Manchester United ayaa kaalinta saddexaad ku jirta iyada oo hantideeda lagu sheegay inay tahay €2.73 bilyan yuro. Inkasta oo ay Man United kaalinta kowaad hore ugu jirtay saddex sano ka hor ayay hadda kaalintta saddexaad kaga jiirtaa qiimayntan ugu danbaysay ee Forbes.Waxa kale oo qiimayntan 20 ka kooxood ee ugu sareeya ku jira 8 kooxood oo horyaalka Ingiriiska ah.

 

 

1.Real Madrid €2.87 bilyan yuro
2. Barcelona €2.78 Bilyan yuro
3. Manchester United €2.73 Bilyan yuro
4. Bayern Munich €2.07 Bilyan Yuro
5. Manchester City €1.21 Bilyan Yuro
6. Chelsea €1.20 Bilyan Yuro
7. Arsenal €1.15 Bilyan Yuro
8. Liverpool €866 Milyan Yuro
9. Juventus €738 Milyan Yuro
10. Milan €683 Milyan Yuro
11. Borussia Dortmund €617 Milyan Yuro
12. Paris Saint-Germain €559 Milyan Yuro
13. Tottenham €529 Milyan yuro
14. Schalke €504 Milyan yuro
15. Inter €387 Milyan yuro
16. Atletico Madrid €384 Milyan Yuro
17. Napoli €311 Milyan yuro
18. Newcastle United €308 Milyan Yuro
19. West Ham United €272 Milyan Yuro
20. Galatasaray €259 Milyan yuro

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

 

 

 

 

Exit mobile version