WAJAALE NEWS

Kenya Oo Sheegtay In Ay Sii Wadeyso Dhismaha Darbiga Xadka U Dhexeeya Somalia

KENYA (Wajaalenews) Xoghayaha Arrimaha Gudaha Dalka Kenya, Joseph Nkaissery ayaa shaaciyay in Dowladdiisu aysan marnaba ka laabanayn Qorshaha ay uga dhisayso xadka ay la wadaagto Somalia darbiga si looga hor-tago Weerarrada ay Kenya kusoo qaadayso Al-shabaab.

Nkaiserry ayaa intaas ku daray haddii Darbigan dhismihiisu uu Saameenayo Xiriirka dub-lamaasiyadeed ee u dhaxeeya Xukuumadaha Somalia iyo Nairobi waxaan sameyn doonnaa inaan qayb ahaan iska dhaafno dhismaha darbiga waa haddii nabadu ay kusoo laabato Somalia.

“Darbiga waa uu jiri doonaa inta Xasilooni daradu ay kajirto Soomaaliya, balse hadii nabad laga helo Soomaaliya, waan iska dhaafi doonaa darbigan” ayuu yiri Joseph Nkaissery.

Sidoo kale, Xukuumadda Kenya ayaa Aamisan in Darbigan uu ka caawin doono hakinta Weerrarada Al-shabab ay dalka Kenya ka geystaan. Iyadoo la xusuusto in Al-shabaab ay dhowr jeer oo is-xiga weerarro ka geysatay gudaha dalkaas.

 

Exit mobile version