WAJAALE NEWS

Ka Akhri:- Xubno Culus Oo Xilal Ka Hayey Xisbiga Waddani oo Iscasiley iyo Sababta Keentay Iscasilaadooda Oo Ay Ka Hadleen.

Hargeisa(wajaalenews)-Xoghayihii qorshaynta Xisbiga Waddani Cabdirashiid Riyo-raac, Xoghayihii arrimaha gudaha Mustafe Qodax iyo Maxamuud Cabdillaahi Axmed(Gaab), oo dhawaan loo doortay guddoomiyaha garabka dhalinyarada heer qaran ee Waddani ayaa shir jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen Hargeysa waxay ku sheegeen inay iska casileen xubinimadii iyo xilkii ay ka hayeen Waddani.

Xubnahan oo aad uga dhexmuuqan jiray Waddani, kuna suntanaa dhaliilida xukumadda Siilaanyo, ayaa iscasilaadooda ku sababeeyay inay is fahmi waayeen hogaanka Xisbiga Waddani. Waxaa hadalkooda laga dheehanayay inaanay la dhacsanayn in guddoomiye Cirro sii ahaado guddoomiyaha Wakiillada xilka loo kordhiyay maadaama Xisbigu si xooggan uga soo horjeedo Muddo kordhinta.

Sidoo kale waxaan maanta halkan uga caddaynayaa Saxaafadda iyo shacabka Somaliland inaan iska casilay xilkii aan xisbiga Waddani ka hayay iyo xubinimadiiba,intaas baanu bulshada gaadhsiinaynaa, iscasilaadaas oo ku timid sababo badan oo ay ka mid yihiin in siyaasaddu tahay fikir ama afkaar la iskula tagay, haddii la isku fahmi waayana ay sunne tahay in qofku wuxuu diido iska casilo ayuu yidhi Mr Riyo-raac.

Halka isna Mustafe Qodax ayaa isna sidan uga hadlay iscasilaadiisa “Runtii saddexdayadan nooma calaamadsanayn oo kamaanu soo baaraan degin inaanu xisbiga mar ka wada baxno laakiin, waxay noqotay heer qof walba gaadhay inaanu ku sii socon Karin siyaasadda waddani ayuun baanu saaka halkan iskugu nimid. Waxaan caddaynayaa inaan xilkii Waddani iska casilay, kana baxay xubinimadii islamarkaana hawlahayga gaarka ah qabsanayo, waxaana iscasilaadayda kow ka ah inaanu isku afkaar noqon waynay hogaanka xisbiga” ayuu yidhi Mudane Qodax.

Mr Gaab ayaa isna si kooban uga hadlay iscasilaadiisa”Anigoo miyirkayga iyo maankayga qaba, waxaan halkan shacabka Somaliland uga cadaynayaa inaan iska casilay xilkii garabka dhalinyarada ee xisbiga Waddani” ayuu yidhi Mr Gaab.

Haddaba Siyaasiyiintan ayaa ku dooday inaanay jirin meel kale oo looga gacan haadiyay, islamarkaana ay muddo ka nasan doonaan siyaasadda, haddii asxaabta Kulmiye, Ucid iyo Waddani wax iska bedelaan oo hogaanka asxaabtu isbedelana ay ku biiri doonaan.

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

Exit mobile version