Da’daydu waa sideed iyo toban. Hooyaday iyo aabbahay waxa ay ku dhinteen shil Baabuur sidaa darteed waxa aan la noolahay habaryartay.
Wiil ayaanu iska baranay Internet ka, muddo ayaanu xidhiidhaynay. Xudhiidhkayagii wuxu isku beddelay telefoon muddo ayuuna sidaas ku socday. Wiilkii wuxu iga dalbaday in aan kulano si aan guur uga wada hadalno. Ugu horrayntii waan diiday balse ugu danbayntii waan ogolaaday.
Habeen ayaanu ballanay Wiilkii jacaylku naga dhaxeeyay, markii aan is aragnay kadib wuxu ii sheegay in uu rabo in uu soo tuso gurigii ay ku noolaan lahaayeen marka ay is guursadaan kadib. Waan ogolaaday kadib waan isa soo raacnay. Wuxu I keenay guri kadib sharaftaydii ayuu dhaawac u gaystay.
Oohin ayaan miciinsaday, waxa aan u murugooday si aanan waligay u murugoon. Waxa aan ka codsaday in uu I guursado uun maadaama uu gabadhnimadaydii isagu baabiiyay. Wuxuu iigu jawaabay ‘Miyaan waalanahay marka aan adiga oo kale guursanayo, waxa aan guursanayaa anigu gabadh dhowrsoon oo sharaf leh!’
Waxa aan imid gurigii aniga oo aad u ilmaynaya. Habaryartay baa I waydiisay waxa igu dhacay waanan u sheegay. Habaryaro way iga cadhootay waxayna I saartay cadaadis.
Maanta noloshaydu waxa ay u dhaxaysaa geeri iyo nolol. Mustaqbal ma lihi, waxaanan ku noolahay nolol bilaa rajo ah. Ninkii sidan I badayna ma aqaan meel uu dunida ka joogo, telfoonkiisiina maalintii kadib sidii buu u xidhan yahay!
Xigasho :
Axmed Cabdilcaal, Qisas Waaqiciya, bogga 65.
Turjumidda :
Muna Axmed Cumar