Hargeisa(wajaalenews)-Koobka Community Shield-ka ayaa ah koob ay xili ciyaareedkasta horyaalka ka hor ku tartamaan labada kooxood ee xili ciyaareedkii hore ku kala guulaystay koobka horyaalka Ingiriiska ee Premier Leaque-ga iyo FA Cupka, waxaana sanadkan ku tartamidoona kooxaha Chelsea iyo Arsenal.Arsenal oo sanadkii hore kooxda Manchester City ka qaaday Community Shield-ka ayaa markale sanadkan kula loolami doonta kooxda Chelsea.
Kulanka Community Shield-ka oo lagu qabto garoonka xulka qaranka Ingiriiska ee Wembley Stadium ayaa lagu saadaaliyaa awooda labada kooxood ee wada ciyaara Community Shield-ka. Dad badan ayaa ku doodaya in uu xili ciyaareedkani yahay kii arsenal iyadoo ku jirta wakhti aad u wanaagsan iyadoo sidoo kale ku jirta waayaheedii ugu wanaagsanaa.
Dhacdooyinka la sugaayo ayaa ah.
- Goolhayihii Chelsea ee Petr Cech oo markii ugu horeysay ka hor yimid kooxdiisii hore
- Wenger oo aan waligii ka badin Mourinho macalinka kooxda Chelsea
- Cesc Fabregas oo markii ugu horeysay kooxdiisii hore ee Arsenal uu koob ka qaado.
- Arsenal oo koobkan qaadaysa laba sano oo isku xiga.
Shaxaha la filayo inay labada kooxood ku soo shir tagi karaan kulan Community Shield-ka:-
Arsenal (4-2-3-1): Cech; Debuchy, Koscielny, Mertesacker, Gibbs, Cazorla, Wilshere, Walcott, Ozil, Sanchez, Giroud.
Chelsea (4-2-3-1): Courtois, Ivanovic, Cahill, Terry, Azpilicueta, Matic, Fabregas, Willian, Oscar, Hazard, Costa.
Isku soo wada duuboo bal waynu eegi doonaa haduu alle yidhaa maalinta axada iyo labada kooxood midka guuleysta.
Hargeisa Office
Wariye Abuu Maxfuud