HARGAYSA(Wajaalenews)Gudoomiyaha Maxkamada Sare Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo Shir jaraa’id xafiiska ku qabtay ayaa ka hadlay Kordhinta Tirada Garsoorayaasha Maxkamada Sare iyo baahida keentay.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare Waxa uu xusay in markii xilka uu Madaxweynuhu u magacaabay uu u gudbiyay Codsigiisii Kowaad oo ku saabsanaa sidii loo kordhin lahaa Tirada Garsoorayaasha Maxkamada Sare isla markaana laga dhigo 11 Garsoore,Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in taasi ka danbaysay kadib markii uu ogaaday in Garsoorayaashii hore aanay ku filnayn hawsha balaadhan ee Maxkamada sare u taala waxaanu Madaxweynaha uga Mahadceliyay sida uu uga aqbalay codsigaas.
Gudoomiyuhu waxa uu tilmaamay in 11 Xubnood ee uu shalay Madaxweynuhu magacaabay lagu soo xulay aqoonta iyo khibrada ay u leeyihiin hawsha garsoorka waxaanu sheegay in Maxkamada Sare ay haatan hor yaalaan in ka badan 320 Kiis isla markaana ay sababtay sidii loo heli lahaa Garsoorayaal hawshaas gudan kara .
Garyaqaan Aadan Xaaji Cali waxa uu xusay in cadaaladu u baahan tahay in si wada jir ah dhinacyada looga istaago lana dedejiyo ka garnaqista kiisaska maxkamada sare hor yaala