WAJAALE NEWS

DAAWO; Diyaarad Ay Leeyihiin Ciidamada Circa Kenya Oo Burburtay

Nairobi(Wajaalenews)-  Waxaa Laba  duuliye oo ka tirsan ciidamada milatariga dalka Kenya ayaa dhaawacmay shalay aroortii kadib markii ay burburtay diyaarad ay leeyihiin ciidamada circa kenya xili ay dageysay.

Diyaaradaan oo ah nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helicopter-ka ayaa salka dhulka ku dhufatay iyadoo ka caga dhiganeysay saldhiga ciidamada circa ee Baragoni ee Countiga Lamu,  Diyaaradaan oo ahayd mid awood badan oo loo adeegsado howlgallada difaaca ayaa waxaa lasoo gudboonaaday cillad farsamo.

Af hayeenka ciidamada difaaca dalka Col David Obonyo, ayaa sheegay in labada duuliye ee la socday diyaaradaasi si dhasqo ah loo badbaadiyay balse ay soo gaareen dhaawacyo.

Diyaarada ayaa markiiba waxaa qabsaday holac,mana jirto wax qasaare hantiyeed ah oo laga soo tabiyay dhacdadaasi.

https://youtu.be/19dfICpsos8

Exit mobile version