WAJAALE NEWS

Cabista Biyaha Kulul Waxa Ay Dhimaan Miisaanka Qofka.

Hargeisa(wajaalenews)-Biyuhu waxa ay ku tirsan yihiin curiyeyaasha dabiiciga ah ee ugu muhiimsan qaybaha jidhka, gaar ahaan marka uu qofku cabbo biyo ku filan, sababtuna waa unugyo jidhka ku jira oo mar kasta u baahan biyo si ay u nuugaan curiyeyaasha cunto iyo si ay qashin qub u sameeyaan.

Waxaana qofka u wanaagsan ugu yaraan maalintii in uu cabo 8koob oo biyo ah si uu u ilaashado qoyaanka jidhkiisa, waajib ah in uu maalintii cabbo ugu yaraan 8 koob oo biyo ah si uu u ilaashado qoyaanka jidhka ee muhiimka u ah ugu badnaana qofka maalintii waxa uu jidhkiisu biyo ahaan u fiican in uu cabo 5litir oo biyo ah.

Biyuhu waxa ay labada kelyood ka caawiyaan in ay qashinka iska saaraan iyo sidoo kale in wixii sun ah ee jidhka soo gasha ay ka saaraan qashin, waxayna lagama maarmaan u yihiin dhammaan shaqooyinka kiimikaad iyo cunto shiidista ee jidhka, laakiin su’aashu waxa ay tahay biyaha kululi miyay saamayn ku leeyihiin dhimista miisaanka qofka.

Waxaa jirta Cilmibaadhis sannadkii 2008dii lagu faafiyey majaladda nafaqada cuntada oo ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in koox dad waaweyn oo miisaankoodu culeys yahay ay xeeldheerayaal caafimaad ku sameeyeen tijaabo ah in maalin kasta ay cabbaan koob biyo diirran ah, ka hor inta aanay quraacda cunin, waxaana u soo baxday natiijo ah in biyaha kululi ay caawiyaan in 13% ay hoos u dhacdo heer Kalooriga (Calories) ee jidhka ku jiraa, waana sababta ta keenaysa in miisaanku hoos u dhaco marka muddo la wado cabbista biyaha kulul.

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

 

Exit mobile version