Maalintii jamhuuriyadda jabuuti gobonnimadeeda hanatay dalkii soomaaliya dad iyo dowladba waxay u ahayd maalin weyn oo taariikhda gashay.
Halgankii Gobannimo-doonka J abuuti iyo Kaalintii Halabuurka.
Marxaladdii saddexaad waa sannadihii toddobaatannada iyo xilligii ay soo dhawaatay hanashada xorriyadda jabuuti.Inkasta oo dhibaatadii gumaysigu shacabka ku hayay ay weli sii socotay haddana marxaladdani waxay ahayd mid ka duwan kuwii hore,waayo waxa sii adkaaday midnimadii shacabka,waxa intii hore isaga soo dhawaaday xisbiyadii siyaasadeed.Dawlado saaxiibbo ahaa iyo caalamka dibadduba waxay xukuumaddii Faransiiska ku cadaadiyeen in shacabka jabuuti xaqooda xornimo loo oggolaado.Fadhiyadii golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa lagu soo daray doodaha la xidhiidha xornimada jabuuti. Arrimahaasina waxay aad u sii dhiirrigeliyeen xisbiyadii halganka ku jiray oo waqtigaa aad isugu soo dhawaaday iyo dadweynihii reer jabuutiba.Ugu dambayntii shacabka jabuuti waxay ku guulaysteen in loo oggolaado gobannimo buuxda oo ay gumaysiga ka
hoosbaxaan.Saciida Cilmi Rooble ayaa dhacdooyinkaas wax kaga xustay buraanburka ay u bixisay”Miiska Goobaaban”(fadhiga wareegsan ama goobaaban ee ku yaal Xarunta Qaramada Midoobay inta bandanna ay ka dhacaan kulammada Golaha Ammaanka iyo kan loo dhanyahay).
Maddaxdeennii guntatay ee geyiga u kacay
Gees walba u dhoofa iyo golaha loo dhan yahay
Gullahaan calankii gacanta siinayaa
Sow ma gowricin gumaysi iyo ninkii la jirey
Gaabsan mahayaane gumaadaha miyey jareen
Miiskii goobaabnaa baa gorodda la isku daray*
Markii guushii muddada dheer loo halgamayay iyo madaxbannaanida la hantay 27kii juun 1977kii,jabuuti yar iyo weyn mid dalka jooga iyo mid dibad ku maqnaaba waxaa loo dabbaaldegey guushaa weyn ee taariikhiga ah.Halabuurka iyo suugaanleyda ayaana farxaddaa iyo dabbaaldeggaa kaalinta ugu weyn ka ciyaaray dareenka shacbiga ee maalintaasna ku cabbiray maansooyin iyo suugaan noocyo badan.Aan tusaale u soo qaadanno tuducyo ka mid ah dhawr maanso oo kuwa tirsigan lagu soo qaatay ka mid ah:
Anigoo gubtaayoonayoo,gocasho ooyaaya
Anigoo gaddaan maagganaa,gaadhi kari waayay
Ayuun buu gu’roob noo curtoo,geelu noo dhalaye
Waa galabba cayneey dunidu,sacab la gaw leeyay
(Aamina Aw-Cali)*
Wuxuu jiibka nagu meeriyuu,cago jugleeyaaba
Jaanleef markaan ula baxnay ee,jaqaska loo gooyay
Ka jiciiray hawl yari ninkii,dhiigga jiiqsadaye
Jilka urursay jiidduu ka yimid,jaahilkii qabaye
Ma ku joojay calankii bartii,kiisa laga jiidey
(Xasan Cilmi)*
Calankaa calfanayaan
Burcaddaa ku mudnay
Barquu roob nagu hoorayoo
Biyahaa lagu maydhayoo
Bismillaahi Raxmaane
Kolkaa baan bogsannay
(Jaamac Muuse Miicaad)*
La-dareen-wadaaggii dadka Soomaaliyeed.
1960kii kolkii Somaliland iyo Soomaaliya xornimadooda qaateen,ka dibna midoobeen dastuurkii Qaran ee berigaa la dejiyay waxaa lagu daray qodob qeexaya in Soomaalida gumaysiga ku hoos jirta laga taageero xagga siyaasadda iyo fagaarayaasha caalamiga ahba si loogu oggolaado in ay aayahooda ka tashadaan.1969kii markii xukunkii dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ay ciidammadii qalabka siday la wareegeen,axdigii ay degsadeen qaybtiisa siyaasadda dibadda;Qodobka saddexaad wuxuu qorayey:in lagu dedaalo sidii dadka iyo dhulalka soomaalidu deggan tahay loo xorayn lahaa gaar ahaan jabuuti oo halgan firfircoon ku jirtey.dawlad iyo shacabba waxa la gudoonsaday in reer jabuuti la garab joogsado.
Maalintii jamhuuriyadda jabuuti gobonnimadeeda hanatay dalkii soomaaliya dad iyo dowladba waxay u ahayd maalin weyn oo taariikhda gashay.waxay arkeen dedaalkii ay u galeen xornimadoonka walaalahood oo midho dhalay iyo guushii ay muddada badan sugayeen oo timid.27kiibisha juun oo ah maalintii jabuuti Xorowday,waxa ay dowladdii Soomaaliyeed u aqoonsatay maalin qaran.Dareenkaa iyo farxaddaa dhanka soomaalida jirtayna halabuurkii suugaanta ku cabbiray waxa kamid ahaa Allaha u naxariistee gabayaagii Cali Cilmi Afyare oo sidan u dhigay:
Saddexdii gumaysigu u dhigay,soohdintiyo beenta
Summadda iyo goobtii ku tiil,siliggii loo ooday
Seetadii mid baa goysay iyo,suulkii loo xiraye
Nin saaburay mar baa Eebbahay,saray u qaadaaye
Subuca iyo yaasiinka iyo,suuradaha diinta
Seef iyo warmay kaga direen,seylarkii yurube
Sinta xeebta iyo buurihii,quruxda loo saantay
Siraad iyo iftiin baa ka baxay,obokh salkeediiye*
Gabbo-gabbadii
Guntii iyo gabagabadii waxaan leeyahay walaalaheena jabuuti ha la garabtaagnaado nabad galyadoodana ha lala ilaaliyo waayo cadow badan ayay leedahay,waana rajadda qudha ee ay maanta ummada soomaaliyeed leedahay,iyaddana waxaa jabuuti ku waajib ah gobbaa abaal gudee inay xornimada dad reer Somaliland ay taageeraan fagaarayaasha caalamkana uga hiiliyaan sidii iyagaba bari la yeeli jiray.Haddaan soo gunaanadno,taariikhdaa aan ka soo sheekaynnay waxaan ka dhex arkaynnaa Saddex arrimood:
1.Xornimada jamhuuriyadda jabuuti ee maanta todobiyo soddon jirsatay in aanay sahal ku iman balse halgan adag oo geesinnimo ah ay dadka reer jabuuti u soo galeen.
2.kaalintii lama illaawaanka ahayd ee halabuurku ka soo qaatay halganka.
3.jabuuti oo aan wali laga hayn abaal gudkii ayka mudnaayeen walaalaheedii la soo halgamay loogana fadhiyo intay fadhiga ka kacday inay garabsiiso walaalaha wali xornimo u halgamaya sida Somaliland iyo Soomaaliya oo ay faraha shisheeye ka joojiso dalalka kula jira.
Haddaba maqaalladeenna aan ku soo xidho tix uu lahaa gabayaagii waddaniga ahaa ee reer Masar,Abu Qaasim Ashaabi.
Hadduu shacab doono nolol wacan
Nasiibku wuu caawiyaa
Habeennadu waa socdaan,
Dabarkuna waa furtaa(Turjumaad).
Qallinka:C/naasir Guray Meecaad
Tell:063-4462703/061-9097073
C/o:Hargaysa/Somaliland.Xigasho qaybta suugaanta wargeys xilliyeedka Halabuur.
Mahadnaq:Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Noolahabadan@Gmail.com