WAJAALE NEWS

Xubno ka mid ah Hawlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo ku dhamaystay tababar Magaalada Addis Ababa

ADIS ABABA(Wajaalenews) Laba xubnood oo ka tirsan Waaxda Maamulka  iyo Xisaabaadka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL  oo ayaa ka mid ayaa soo dhamaystay tababar  toban maalmood ah oo ay ku qaateen xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Federal-ka Ethiopia, magaalada Addis Ababa.

Tababarkan oo ku saabsanaa shaqada maaliyadda iyo xisaabaadka gaar ahaan hantidhawrka (Auditing) ayaa waxa u fidiyay shaqaalahan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hal wadeen oo ka socday Wasaaradd Maaliyadda Somaliland  Hay’adda la yidhaaho HESPI (Horn Economic & Social Policy Institute) o xarunteeda guud tahay Addis Ababa.

Furitaankii kulanka tababarkaas ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda Ethiopia iyo Hay’adda Tababarka bixisay. Waxana halkaa ka hadlay Mudane Petter Roble oo ah Guddoomiyaha Gudida Sare ee Hay’adda HESPI oo soo dhaweeyay in hawlwadeenno ka socda Somaliland ay tababarkan u furan, waxanu sheegay inay joogtaynaynayaan fursadaha noocan ee ay shaqaalaha dawladda Somaliland aqoontooda iyo xirfadooda shaqo kor ugu qaadayaan.

Hawlwadeenadan ayaa waxa tababarkooda qayb ka ahaa booqashooyin ay ku tageen jaamacadda shaqaalaha dawladda Ethiopia iyo Wasaaradaha Caafimaadka iyo Maaliyadda, gaar ahaan waaxahooda khuseeya maaliyadda iyo xisaabaadka.

Gebagebadii tababarkaas, waxa soo xidhay agaasimaha fulinta Hay’adda HESPI Dr. Ali Essa iyo masuul ka socday Wasaaradda Maaliyadda Ethiopia.

Hawlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ayaa kala ahaa  Cabdiqani Axmed Xasan Goolle, Budget Manager (Candidate for PhD Economics) iyo Nuura Faarax Cawad, Xisaabiyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

 

Source:   Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL

 

 

 

Exit mobile version