WAJAALE NEWS

Xogo Dheeraada Oo Ka Soo Baxay kulamadii Madaxwaynaha Somaliland La Qaatay Madaxda Etoobiya Iyo Safiirada USA ,Uk +Cadaadisyo Ay Ku Saareen Arimaha Doorashooyinka.

ADIS ABABA(Wajaalenews) Madaxwayanha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maalintii shalay u Anbabaxay dalka Etoobiya caasimadiisa Adis ababa, safarkan madaxwayne siilaanyo ayaa daarnaa casuumad uu ka helay raysal wasaaraha dalka itoobiya ,

Xogo dheraado aanu ka helayno safarka madaxwayne siilaanyo ayaa tibaaxay in uu maaanta kulmo gaar gaara layeeshay Raysal wasaaraha Itoobiya , safiirka dalka maraykanka u fadhiya dalka itoobiya waxa kale oo uu kulan la qaatay safiirka dalka ingiriiska u fadhiya dalka itoobiya ,

kulamadan ayaa waxay qaateen mudo saacado ah iyadoo sida xoguhu tibaaxeen ugu horay uu raysal wasaaraha Etoobiya ayaa madaxwayne siilaanyo si adag ugala hadlay sidii uu u fulin lahaa heshiiskii  ay xukuumadu la gashay xusbiyada mucaaridka ah isagoo ku dhiiri galiyay in uu ixtiraamo waxa ay bulshada somaliland doonayso,

dhanka kale safiirada dalalka maraykanka iyo Ingiriiska ayaa si adag ugala hadlay xukuumada siilaanyo iyo waftigiisaba in bulshada caalamka ee daynaysa hanaanka dimuqraadiya iyo geedi socodka doorshooyinka ay marwalba ixtiraamayaan wixii lagu heshiiyo,

Arinta ayaa madaxwayne siilaanyo ku noqotay cadaadis wayn kaasi oo ku khasbaya in uu jabiyo go,aankii golaha guurtida

Somaliland ayaa ah dal caalamka ka raadiyana aqoonsi iyadoo dhamaan dawladaha jaarka ay tahay dalka kaliya ee somaliland jiritaankeeda ilaaliyaa Etoobiya wixii nasteexa ee ay soo jeedisaana ay tahay mid fulinteedu dan u tahay hogaanka markaa gacanta ku haya somaliland.

WIXII WARAR AH EE KASOO KORDHA SAFARKA MADAXWAYNE SIILAANYO IYO KULMADA UU BEESHA CAALAMKA LALEEYAHAY KALA SOCO WARAR DHEERAADA WAJAALENEWS,

 

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version